W/Maxamuud Xaashaw Haday Wakhtigii Cigaal Dhinac Kararnayd Maanta Maysu Dheeli Tirantahay

maqaal

Maqaalkan Caawa Waxaynu Dib Ugu eegaynaa Xiligii uu Marxuum Cigaal uu M/weynaha Ka Ahaa Dalkan JSL iyo Weedhihii Ay Qori Jireen Ragii Mucaaradka Ku Ahaa Xiligaas Hadana Kamid Ah Wasiirada ugu Tunka Weyn Xukumadda Imika Dalka Ka Talisa ee uu Hogaamiyo M/weyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Kuwaas oo Ay Lagaadhay Mucaaradaddu Inay Qaranimadda u Bedelaan Qabiil iyo Dal Reer Qudhi Haysto Waxaana Ragaa Kamid Ahaa Amaba ugu Horeeyay W/Wasaarada Duulista Hawadd Iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo Isagu Markaa Ahaa Xildhibaan Golaha Wakiiladda Katirsan.

Hadaba Hadaynu Qaar Kamida Maqaaladii uu Qori Jiray W/Maxamuud Xaashi Ciwaankoodii Iyo Hal Kudhigyadiisii Tusaale Usoo Qaadano Waxa Kamid Ahaa Dhinac Ayay Kararantahay Iyo Waa Subeeraiya Land ee Somaliland Maaha Isaga oo Xilgaas Biciidsanaayay Amaba Dhibsanaayay Kuraasta Qaranka ugu Saraysa Qaarkood oo Ay Ku Fadhiyeen Rag uu Isagu Markaa Lahaa Waxay Kasoo Wadda Jeedaan Isku Beel Kuwaas oo Ahaa M/weynihii Xilgaas AHN Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal Iyo Gudoomiyihii Aqalka Guurtidda S/land AHN Marxuum Sheekh Ibraahim Sh Yuusuf Sh Madar Hadaba Wakhtigaas Ayuu Wasiir Maxamud Xashi odhan Jiray Dalka Waxa Xukuma Niman Ilmaadeer Ah iyadoo Maanta Labadii Kursi ee uu Ku Muusanaabi Jirayba ay Ku Fadhiyaan

Maanta Laba Nin oo Ay W/maxamuud Isku Beelyihiin Isaguna Wasiir Kayahay oo Weliba Run Ahaantii Kuwaa uu Maalintaa Isagu Sheegaayay Ay Kuwan Maanta Joogaa Uga Dhawyihiin Reernimada iyo Qabyaaladdaba oo Maxamuud Qudhiisu Hormuud Kayahay Raga Qabyaalada iyo Reernimada Buunbuuniya Ama Kor Uqaada Waxan Wasiirka Waydiinlahaa Labo Su,aalood oo Kala Ah Takoobaad Wasiir Maxamuud Xaashaw HADAY WAKHTIGII CIGAAL DHINAC KA RARNAYD MAANTA MAYSU DHEELI TIRANTAHAY

Waan Sababta aan Maqaalkan Ciwaankiisa ugu Xushay Hal Kudhigan Waxaan Sidoo Kale Wasiir Maxamuud Waydiin Lahaa Inuu Ciilkii Ka Baxay uu Berigaa Dibnaha La Ruugi JIray Waxa Maanta Laga Arkaa Shaashadaha TV-Yadda Isagoo Kaleh Dawladda Somaliland oo Aad Ugu Luuqaynaaya Carabkana Ku Xejinaaya M/weyne Axamed Maxamed Maxamuud Waa M/weynihii Qaranka Adeer Miyaanad Ogayn In Kuwii aad Shalay Ku Qaylin Jirtay Ay M/weynayaal Iyo Gudoomiyayaal Qaran Ahaayeen oo Sida Aad Ugubato Marka Wax Laga Sheego Ay Kuwaana Ugubaysay Hadaba Wasiir Maanta Waxa La Wadda Ogyahay Inaad Kamid Tahay Wasiiradda Ugu Caban Xukumaddan Aad Dadka Iska Xigsiiso Waxana Caawa Laga Bilaabo Lagaala Hadlayaa Kaydkii Iyo Rikoodhkii Kuu Yaalay

Lasoco Maqaalo Taxane Ahaan Doona oo CIwaankooddo yahay GAR ADAGLAND Waxad Galabsataan Kaagoynayaa

by sacad cali kaahin Raamalay Sacad plucky