Xafiiska Socdaalka Dawlada Ethiopia Ee WAJAALE Iyo Heshiis Qarsoodiya La Galay Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland Ee WAJAALE Warbixin: Weriye Mustafe-Jannaale

 

Xafiiska Socdaalka Daunnamedwlada Ethiopia Ee WAJAALE Iyo Heshiis Qarsoodiya La Galay Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland Ee WAJAALE Warbixin: Weriye Mustafe-Jannaale

Wajaale():-Magaalo Xuduudeedka Tog-Wajaale oo uu maro xadka ay wadaagaan labada Dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa waxa ku yaala xafiisyada Socdaalka dawlada Ethiopia iyo laanta Socdaalka Somaliland,kuwaas oo aanu xidhiidhkooda wada-shaqeynayd ku saleysan yahay heshiis ay ku galeen in qofka  ka taga Somaliland ee uu u dhan-yahay sharcigii dal ku galka Ethiopia in laga qaado lacag dhan 500 oo riyaal, taas oo lacagta gacanta laga geliyo ninka heysta Xafiiska Socdaalka Dawlada Ethiopia ee lagu magacaabo Cabdilaahi Jaarso,kadibna ay lacagta qeybsadaan labada Xafiis ee Somaliland iyo Ethiopia.

 

Taas waxa caddeynteeda kaaga filan marka qofka u socdaalaya Ethiopia uu xafiiska Socdaalka Dawlada Ethiopia ee Wajaale uu sabab la’aan dib ugu soo celiyo, ee u u soo ashkatoodo Xafiiska Socdaalka Somaliland ee Wajaale waxay kugu jawaabayaan ereyo ay ka mid yihiin ninkii aanu xidhiidhka  la lahayn wuu ka maqan yahay,markaa wax-ba kuma qaban karno,taas oo ku dareensiinaysa sidii tukaan ninkii lahaa maqan yahay oo shaaqiliihi lagaga tagay.

 

Markaa ma waxaynu xidhiidh la leenahay ninka marba xafiiska Socdaalka Dawlada Ethiopia ee Wajaale madaxda uga ah, mise dawlada Ethiopia?Waxa kale oo ku caddeynaya sida dadka muwaadiniinta reer Somaliland ee dib loo soo celinayo inay quus kaga jiraan meel ay u soo cawdaan,

 

Xukuumadda Somaliland waxay maalin-walba ku hambabartaa xaalad cakiran oo bariisatay dadka muwaadiniinta reer Somaliland oo ay sameeyaan hay’ado ka tirsan dawlada, kuwaas oo aad moodo inay madax banaan yihiin ama inay ka amar qaataan dawlado kale,

 

Hadaba, xukuumada Somaliland warbixintan aan ka soo diyaariyey Xafiisyada Socdaalka dawladaha Somaliland iyo Ethiopia ee Wajaale ma u diri karaan guddi xaqiiqo raadin ah? Mise dhagaha ayey ka fureysanaysa si ay ugu baraarugto xili xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

 

Dawlada Ethiopia ma ka war-heysa hagbadan ay galeen labada Xafiis ee Socdaalada Somaliland Iyo Ethiopia ee ku yaala Magaalo Xuduudeedka Tog-Wajaale mise? Su’aasha jawaabteeda waa inay dawlada Ethiopia u iftiimisa shacab-weynaha reer Somaliland.

 

Dhibaatadan uu ku hayo muwaadiniinta reer Somaliland ee u socdaalaya dalka Ethiopia Xafiiska Socdaalka Dawlada Ethiopia ee Wajaale ayaa cabashadiisu soo noqnoqotey, isla markaana cid wax uga qabatey aanay jirin, taasi waxay xidhiidh xumo ku keenaysa xidhiidhka wada-shaqeynayd ee ay xukuumadda Somaliland ku celceliso inuu u dhaxeeyo dawlada Ethiopia.

 

Weriye Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmai.com

 

 

Â