Daawo Sawiro…Xafladii Haldoorka Dumarka aduunka ee ka dhacdey Galbeedka Caasimada London oo lagu soo casuumey DR Adna Aadan Ismail.

4

Waxaa bishan 16-keedii ka dhacey galbeedka magaalada London gaar ahaan xaafada Brent Council xafladii haldoorka dumarka aduunka taas aheyd xaflad ay ilyartu is qabatey si fiicana loo soo agaasimey laguna  soo casuumey Dr Adna Aadan Ismail oo xafladaa ku soo bandhigtey kana jeedisey wacdaro dadkii madashaa fadhiyey kawada yaabisey. Waxaa ay Adni xafladaa ka jeedisey waxbixin qoto dheer oo ku saabsan baahiyaha caafimaadka guud ee SOMALILAND ka jira waxaana  gaar ahaan ay aad iyo aad u faah-faahisey uguna dheeraatey dhibaatooyinka caafimaad ee ugaarka ah dumarka Somaliland gaar ahaan dumarka uurka leh umulaha iyo dhalaankooda. waxaa ay iyana si cilmiyeysan ay aad ugu lafo gurtey nafaqo darada iyo cudurada saameeya caruurta gaar ahaan kuwa yar yar ee Somaliland taas oo ay si cilmiyeysan oo figure iyo facts wata ay uga faalootey caafimaad darada guud ee dumarka iyo caruurta Somaliland iyo baahiyaha ku gedaaman ee loo qabo waqtigan xaadirka ah dhakhaatiir takhasus gaar ah uleh cudurada faafa ee dilaaga ah iyo daawooyin cusub oo tayo badan leh oo iyana baahi badan loogu qabo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

 3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Markii ay warbixintii guud ee caafimaadka dhalaanka iyo dumarka Somaliland ay Dr Adni ka faraxalatey waxay markiiba u tafaxaydatey oo  weysada ubiyeysatey  sidii ay nabadgelyada iyo qadiyada gooni isu taaga Somaliland ay madashaa iyo fursadaa qaaliga ah ay uga iibin laheyd taas oo markii hadalkeedii ay soo gunaanadey ay dadkii madasha fadhiyey ay  Su’aalo badan ku boobeen laakiin ay ka dabaalatey oo ay dhamaan dadkii  wax weydiiyey ay wada qancisey goobtiina  sacabka loogu garaacey oo la gudoonsiiyey shahaadad sharash qiimo leh oo lagu dhiiri geliyey waxqabadkeedii taariikhda Somaliland baalka dahabka ah kaga xardhamey markii ay  Dr Adni dhakhtarka umulaha iyo dhalaanka iyo Jaamacad hawlahaa lagu barto oo isku lifaaqan ay ka hirgelisey caasimada SOMALILAND ee Harg eysa. Wax qabadkaa dheyda ka cad ee lagu diirsadey ayaa  Dr Adna ka dhigtey haldoorkii  gabadhii ugu horeysey Somaliland ee riyadeedii ay ku riyootey iyada oo 11 jir ah ay ugu hirgashey waqi ku haboon iyo goob ku haboon taas oo  Dr Adni ay si cilmiyeysan u fulisay mashruuc millyano ku kacaayey oo aaney ka caawin wadano qalaad  ama shirkado waa weyn oo aduunka ka jira. Wax qabadkaa ay Dr Adni ummadda Somaliland iyo Caalamkaba umuujisey waxay aduunka iyo Somalilandba kaga muteysatey Shahaado sharafyo badan oo qaar caalami aduunka ka macruufa ay yihiin.

 2

Waxaanu aad iyo aad ugu  hambalyeyneynaa DR Adna Aadan Ismail kartideeda  dheeraadka ah iyo aqoonteeda  fogaan araga ah  iyo waxqabadka muuqda ee ay uqabatey dalkeeda hooyo ee Somaaliland. Waxaana aan ku booriyeynaa in lagu daydo waxqabakeeda muuqda waxna laga barto DR Adna Aadan Ismail oo inoo wada ah ( Role Model ) !

1

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

Wehelkiin -Waa -Alleh iyo Nebi ( scs )

Wa-Laahum-Aclam-Waa bilaahi Tow-fiiq

Tebiye : A/Rahman Fidhinle

Intensive Education ED  PA

United Kingdon

London

Fidhinle@aol.com