Xagla toosiye ma istaahilo in $10,000 la siiyo bil walba oo wasiir nimo u dheertey by Abdi Mustafe

Daawo Muqaal : Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xagla-toosiye Oo Meesha Ka Saaray In Wax Khilaaf Ahi U Dhaxeeyo Isaga Iyo Xukuumada
Wasiirka caafimaadka Xagle toosiye waxa lagu soo xareeyey in la siiyo 100 askari mushahar kood bil walba oo noqoneysa $10,000 iyo wixii wasiir nimo leeday.
Boqol askari mushaharkoodu waa toban kun oo dollar bil walba. Ka dib markii xukuumadu ka jartey lacagtii wuxuu u dudey Burcao isagoo dowlada uugu hanjabay in uu Buuhoodle ka soo jeesanayo. Dowladuna may fikirin oo ismay odhan Xagla toosiye reer Buhoodle wuu ka dhintey ama ka qarxay oo cidi kuma soo dhaweyn doonto ee laba wasiir baa laga daba direy oo soo lad qabeeyey. Markii Silaanyo hadalo wada dhax mareena wuxuu ku adkeystey in aan balankii lala galay laga bixin oo waa laga yeelay.
Hadaba Xagle toosiye muxuu taraayey haduu Buhoodle tago iyo haduu USA ku noqdo toona waxba sooma kordhiyo. Reer Buhoodle na markii uu wasiir ka noqdey Somaliland bay kala dhinteen oo cidi kuma soo dhaweyneyso. Dowladu dub ha uuga fiirsato in aan Xagla toosiye la siin $10,000 doolar bishii oo ay u dheertey lacagtii wasiir nimo …. Sidaasi waa dulmi iyo duli nimo iyo baqe aan meela jirin. Xagla toosiye waxba ma yeeli karo Somaliland in laga laaluusho si aannu Buhoodle u tegin waa xaqiir nimo inan yar oon macno badan lahayn in madaxa loo buuxinayo. Waa taa dowlada Silaanyo ciyaalka baada siineysa een faham saneyn in Xagle toosiye iyo reer Buhoodle beri hore kala dhinteen.