Xarakada Al-Shabaab oo ku dhawaaqay Go’aan lama filaan ah…

DAAWO Muqaal: TV-ga Ingiriiska  oo Wareysi Fool ka fool ah la yeeshay Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Dheere.

Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Gudaha Dalka Somalia ayaa  sheegtay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jirto Dowlada Fedraalka iyo Ciidamada AMISOM.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheikh Cali Dheere, ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, isagoona tilmaamay in dagaalladooda aaney wax saameen ah ku yeelan doonin goobaha laga qabsaday.

Sheikh Cali Dheere waxaa kaloo uu shacabka ugu baaqay in ay ku garab siiyaan dagaalka ay kula jiraan cadowga Islaamka.

Wuxuu ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarrada ay la beegsanayaan xarumaha dowladda iyo kuwa AMISOM, isagoona yidhi“Geeridu waxa ay dhibeysaa cidda dhoof ku timid”

Si kastaba hadalka afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa ku soo beegmay xili dhowaan Al-shabaab Ciidamada Huwanta ay kala wareegeen Daagaano iyo degmooyin badan ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho