Xildhibaan C/qaadir Jirde, Koore Iyo Siciid Cilmi Rooble Oo Geedigooda Siyaasadeed U Jiheeyay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani & Dareenada Ku Gadaaman

Xildhibaan C/qaadir Jirde, Koore Iyo Siciid Cilmi Rooble Oo Geedigooda Siyaasadeed U Jiheeyay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani & Dareenada Ku Gadaaman

9706

March 5, 2014 Hargeysa(SM) – Xildhibaan C/qaadir Ismaaciil Jirde iyo xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xildhibanada golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ka madaxbanaan saddexda xisbi qaran ee hada dalka ka jira Kulmiye, Wadani iyo Ucid ayaa la sheegay inay ku biirayaan xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.

Ma jiro ilaa hada war cad oo ka soo baxay xildhibaan Jirde iyo xildhibaan Koore oo ay daboolka kaga qaadeen in xisbiga Wadani ay ku biiri doonaan, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun-daloola xubaha Baarlamaanka ayaa Haatuf u xaqiijiyay in xildhibaan C/qaadir Jirde iyo xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo iyagu ahaa xubnihii urur siyaasadeedkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 28 November 2012kii la sheegay inay dhawaan si rasmiya ugu biiri doonaan xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ee uu hogaamiyo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), kuwaas oo tibaaxuhu intaa ku darayaan in wakhtigan xaadirka ah ay xildhibaanadaasi geedigooda siyaasadeed u jiheeyeen xisbiga mucaaridka ee Wadani.

Labadan xildhibaan ayaa ka mid ah xubnaha mucaaridka madaxbanaan ee miisaanka culus ku leh golaha wakiilada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay xildhibaanada mucaaridka xisbiga Wadani ee wakiilada uu ka dhexeeyay isbahaysi dhinaca afkaarta ahi.
Dhinaca kale xildhibaan Siciid Clmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee mucaaridka ku ah xukuumada oo muddooyinkan u dambeeyay la saftay xildhibaanada xisbiga Wadani ayaa isagana la sheegay inuu ku biirayo Wadani, kaas oo ilo wareedyadu tibaaxayaan inuu dhawaan cadayn doono mawqifkiisa siyaasadeed.

Xildhibaanadan oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino arrinkaasi ayaanay noo suurto galin inaanu ku helno khadka Tilifoonadooda gacanta ee Mobile-ka.

Salaanmedia/ Hargeysa 
Haatuf