Xildhibaanada Golaha Wakiiladda KULMIYE Ee Reer Awdal Oo Cabasho Ka Muujiyey Saamiga Ay Ka Helayaan Golaha Dhexe Ee Kulmiye

Wednesday, March 12th, 2014 

Xildhibaanada Golaha Wakiiladda KULMIYE Ee Reer Awdal Oo Cabasho Ka Muujiyey Saamiga Ay Ka Helayaan Golaha Dhexe Ee Kulmiye

March 12, 2014 Hargeysa(SM) – Waxay Madaxweyne Siilaanyo, Hogaanka Xisbiga iyo Guddida qaban qaabada ka dalbadeen 30% in laga siiyo Golaha Dhexe oo lagu saleeyo taageerada ay u hayaan Xisbiga

GOLAHA-WAKIILADA (1)March 12, 2014 Hargeysa(Cadceed) laba iyo Toban Xildhibaan oo ka mid ah golaha wakiiladda Somaliland oo shalay si balaadhan Madaxweyne Axmed MaxamedcMaxamuud Siilaanyo ugu soo dhaweeyey Gobolka Awdal ayaa u gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaan in 30% lagu saleeyo saamiga ay ka helayaan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ka hor Shirweynaha la filayo inuu qabsoomo.

Xildhibaanada oo Qoraalkooda u dhiibay Madaxweyne Axmed Siilaanyo isla markaana u kala diray Hogaanka Xisbiga iyo Guddida qaban qaabada Shirweynaha Kulmiye ayaa u dhignaa Sidan:-

Anagoo ah xildhibaanada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaan idin ogaysiinaynaa in xildhibaanada gobolka awdal ay wakhti xaadirkan yihiin xisbga Kulmiye in ka badan 90%, taasina waxa ay muujinaysaa in taageerada shicibka ee gobolka Awdal ay yihiin Kulmiye isla markaana dhawaan la guda gali doono shirweynihii xisbiga kulmiye laguna dooran doono xubnihii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, sidaa darted anagoo og taageerada buuxda ee xisbiga kulmiye ku leeyahay gobolka Awdal, anagoo ka shiidaal qaadanayna muhiimada taageeradaasi u leedahay xisbiga Kulmiye, waxaan soo jeedinaynaa in saamiga xubnaha golaha dhexe ee Reer Awdal lagu saleeyo sababahaasi kor ku xusan, isla markaana laga siiyo wax u qalma taageerada ay u muujiyeen xisbiga Kulmiye, waxaanan codsanaynaa in 30% lanaga siiyo ergada shirweynaha iyo xubnaha Golaha Dhexe.

1. Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle

2. Abuubakar C/raxmaan Good

3. Cabdi Maxamuud Jaamac

4. Xildhibaan Mahdi Xusseen Cadare

5. Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye

6. Xildhibaan Mahdi C/laahi Maxamuud

7. Xildhibaan Maxamed Muuse Ismaaciil

8. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye

9. Xildhibaan Axmed Madar Sii-arag

10. Xildhibaan Xasan Muuse Hufane

11. Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac

12. Xildhibaan Maxamed barkhad Miigane