Xisbiga ucid Finland:- Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha , wasiirka gaashaandhiga iyo jananka ciidamada qaranka somalilnad!

Xisbiga ucid Finland:- Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha , wasiirka gaashaandhiga iyo jananka ciidamada qaranka somalilnad!

unnamed

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu , dhaman umada reer somaliland iyo madaxdooda waxaan hawada
usoo marinayaa salaan aad iyo aad uqiimo badan .

Waxaan maanta halkan warqad furan udirayaa Madaxweynaha somaliland

To:-mudane :- Axmed maxamed maxamuud(siilaanyo).
To.-wasiirka gaashaan dhiga ;.Mudane Cadami
To:- jananka ciidamada qaranka Mudane :- Shaqale.

Warqadayda furan hadaan hoos ugu daadago waxay khuseysaa oo ciwaankeedu yahay:-

Xuduudaha somaliland in la gaadhaa oo ciidamada la geeyo Miyaanay Habooneyn !

Mudane madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayanaa adiga iyo madaxda kele ee aan ku xusay in ciidamada somaliland
halka maanta ay joogaan hore uga sii socdaan si aan uxidhano ama maamulka ugu fidino goobaha xuduuda saaran.

Waxaa kaloo madaxweyne jirta in xuduuda muran badani hadhow inagaga iman karo markaas miyanay habooneyn
in xuduuda maanta oo cidi inaga hortaagneyn aanu saldhigayada ciidamada iyo maamulka gaadhsiino.
Mudane madaxweyne safarkaagii waxaad ku soo aragtay in laasqoray iyo gobolada bariga somaliland aanu maamul
ka jirin , hadaba miyanay kuu qorsheysneyn in maamulka la gaadhsiiyo?..

waxaan madaxweyne ku xasuusineynaa in halka maanta ciidamdu taagan yihiin ay kaga tagtay dawladii madaxweynihii kaa horeeyay  ee daahir riyaale , hadaba adigoo 4 sano maamulayey dalka aadna ku olaleyn jirtay xuduudaha ayanu gaadheynaa
miyaney habooneyn inaad maamulka iyo xuduud gaadhida isku darto .

Waxaan ku soo gaabagabeynayaa Xuduuda ciidamada ha la geeyo, Hadaanu xisbiga ucid nahayna waanu la garabtaaganeyn
in xuduuda la gaadho oo ciidamada la gadhsiiyo .’

madaxweynaha iyo madaxda kale ayaan taladaa usoo jeediyey.

Waxaan ucadeynayaan umada somaliland gudo iyo dibadba in xisbiga ucid ajandihiisa ay ka mid tahay in umada la mideeyo bari iyo galbeed iyadoo mamul fidinta iy daadajinta la sameyn doono si baahiyaha umadu tabeyso loogu shaqeeyo.

Umada somaliland ee bariga sanaag waa umad godoona ah , waxaan leenahay xisbiga ucid taageera inshaa allah waxaan ka sheqeyn doonaa horamarkiinee .

wabilaahi tawfiiq

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga ucid finland:-Mudane Xassan Cumar Hurre.

helskinki /finland

Ucid /office