Xisbiga UCID oo Hambalyo Iyo Taageero u Diray Shirweynaha Beesha Arab ee Bisha June,

jamaal cali xuseen

Xisbigga UCID oo Hambalyo Iyo Taageero u Diraya Shirweynaha Beesha Arab ee Bisha June

Xisbigga UCID wuxuu hanbalyo balaadhan u dirayaa gudidda qaban qaabadda shirweynaha beesha Arab ee dhici doona bisha June ee sanadkani haddii uu Ilaaha awoodda lihi ogolaaddo. Sida beelaha kaleba ay sameeyeen waxay xaq u leeyahiin in beeshani ay ka tashato sidii ay u horumarin lahayd deegaanadda ay degaan tahay. Xisbigga UCID waa xisbiga keliya ee hiil la barbar istaagay kana hadlay xilligii doorashaddii Golaha deegaanka ee meel ka dhaca lagu sameeyey ururkii Xaqsoor, kana dhiidhiyey markii dhalinyaraddii xaafadda Axmed Dhagax lala beegsaday rasaasta. Waxaanu beeshana ku guubaabinayaa in ay isku duubnaato, mawqifka jiritaanka Somaliland iyo nabadda dalka ka jirtana ay mawqif cad ka istaagto, sidii awalba caadadda u ahayd. Xisbi ahaana waanu idin taageersanahay sidii aanu awalba idiin taageersanayn.

 

Xukuumaddii hore ee UDUB waxay sameeysey afar doorasho oo aanu dhiig ku daadan, dalkana Dimuqraadiyad ayeey ka hir-gelisay, xukuumaddan taladda imika haysa ee Kulmiyena waxay qabatay hal doorasho oo aynu ka wadda war hayno tii ka dhacday, iyo dhiiggii iyo boobkii ka dhacay. Ummadda Somaliland waxay ka filaysay xukuumaddan Kulmiye inay dalka dimuqraadiyadiisa ay sii horumariso ee maaha inay dib inoo celiso, shacabkuna waxa uu uga fadhiyaa xukuumaddan Kulmiye in dalka ay ka hirgeliso doorashooyinkii oo si cadaalad ah u dhaca, wakhtigoodiina ku dhaca. Si taasi loo helana waa inay Diiwaan gelintii ay dabadda ka riixdaa ileyn iyaddaa kursiga ku fadhidee. Xisbigga UCID waa mid u taagan nabad ku wadda noolaanshaha beelaha wadda degga arliga Somaliland oo aanu kuligood cod ka wadda doonayno, kuligoodna aanu taageersanahay nabad ku wada noolaanshahooda, iyo wadda shaqeyntoodda. Ilaahay dhamaan hayna wadda guuleeyo, dalkeenana haynoo barakeeyo.

 

Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga UCID

 

 Maxamed C.laahi Warsame

Xafiiska Warqabadka Togaherer

Â