Xisbiga UCID oo Magacaabay Xoghayaha Amniga & Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka

Hargeysa 19 March 2014 (SM)Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID ayaa Magcaabay  Xilal ka Banaana Xisbiga oo ay kala ah Xoghayaha Amniga & Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka Sidaana waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabee oo Nuqul ka mid ahina Soo Gaadhay Shabakadda ToggaHerer

War-Saxaafadeedka ayaa u Dhignaa Sidatan:-

ucid

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                                  REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

 

 

Ref/13/UCID /2014                                                                                                                       Date /19/03/2014

 

Ujeedo: Xil-Magacaabis

Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo             Xilalka Banaan ee Xoghayaha Amniga & Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka  waxa loo Magacaabay Md, Cabdiwalai Xuseen Gaambiye Xoghayaha Amniga ee Xisbiga UCID, iyo Cabdiqani Ibraahin Salaf (Kaptanka) Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada & Degmooyinka ee Xisbiga UCID.

Isla markaana waxa la faray Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda ah u bilaabaan kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.

Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu  u fuduudeeyo hawsha loo igmaday.

 

ALLA                         MAHAD                       LEH

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID                                                                                                    Eng, Faysal Cali Waraabe  ————-