Xisbiga WADDANI cod dheer ku muujinayaa in la ixtiraamo dhamaan shuruucda iyo dastuurka dalka, lana ilaaliyo kala madax banaanida hay’adaha qaranka Md. Cabdi Raygal Beegsi Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

Cabdi Raygal

Hargeysa 27 March 2014 (SM)Md. Cabdi Raygal Beegsi Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex taagana indhawaalaba Wasaarada Maaliyada iyo Bankiga Dhexe ee Somaliland Sidaana Waxa lagu Sheeegay War-Saxaafadeed uu ku Saxeean yahay Md Beegsi oo Nuqul ka mid ahina Soo Gaadhay Salaanmedia

Warsaxaafadeedka ayaa u Dhignaa Isaga oo Dhamaystiran Sidatan:-

 

Waxaa baryahan dambe isa soo taraya maamul xumo baahsan oo ragaadisay dhamaan qaybaha kala duwan ee xukuumadda.

Markaanu milicsano hab-dhaqanka xukuumadda maanta jirtaa waxa ay halis ku tahay jiritaanka qaranka saddex iyo labaatan jirsaday.

Waxaynu ogeyn faragelinta xukuumaddu ku sameysey dhamaan hay’adaha dawladda ee madaxa banaana, hay’adahaasoo kala ah garsoorka, Baarlamanka iyo dawladaha hoose.

Waxa kale oo ay maamul xumada xukuumadu keentay in ay wada-shaqayn waayeen hay’adihii xukuumadda sida Maaliyada iyo Bangiga dhexe, taas oo bulshada somaliland ku keentay sicir barar baahsan iyo jahwareer dhaqaale, waxaa kale oo jirta in Xisbigii ay ka dhalatay xukuumaddu oo maanta tahli la’yahay inuu qabsado shirweyne badbaadiya jiritaankiisa, taas oo ay xukuumaddu leedahay masuuliyada dib dhiciisa.

Xisbiga WADDANI wuxu xukuumadda uga digayaa faragelinta qaawan ee ay ku hayso hay’adaha madaxa banaan ee Qaranka, anagoo ogsoon in xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo ay daashadeen gudaheeda musuq-maasuq, nin jeclaysi iyo maamul xumo baahsan.

Guntii iyo Gabagabadii wuxuu Xisbiga WADDANI cod dheer ku muujinayaa in la ixtiraamo dhamaan shuruucda iyo dastuurka dalka, lana ilaaliyo kala madax banaanida hay’adaha qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland.

Alla Mahad Leh

Md. Cabdi Raygal Beegsi

Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI