XISBIGA WADDANI OO CAMBAARAYNAYA XADHIGA MUSTAFE JAMAC XIRSI GAANI

Faysal

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan ahristayaasha sharafta leh aniga oo ku salaamaya salaanta ISLAAMAKA EE ASALAMU CALAYKUM, waxaan salaantaa mid la
 mid ah u dirayaa dhamaan bahwaynta xisbiga Waddani debed iyo gudeba.
Waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa xadhiga lagula ka kacay Mustafe Jaamac Xirsi Gaani oo ah ah mid Aargoosi ah oo lagaga aargoosanayo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ka tirsan madaxda Sare ee Xisbiga Waddani oo iyadu mar kastaba ka hadasha wixii daliil ah ee u muuqata ee dalkeena ka dhacaaba.
Xukumadeena oo iyadu aan u adkaysan Karin in dhaiilsheeda la sheego ayaa beryahan danbe waxay bilawday inay cadaadis badan saarto xubnaha xisbiyada Mucaaridka ah  inay kala dagaalanto dhica warbaahinta ay gacanta ku hayso iyo ta madaxa banaanba iyo dhica isu socodkaba sidii ka dhacday Magaalooyinka Burco iyo Gabilayba.
Waxaanu mar labaad si aad iyo aad u adag u Canbaaraynaynaa xadhiga Wiilka dhallinyarad ah ee denbiga keli ah ee loo xidhay uu yahay walaashi oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani  inaantaaas iyo Xubno kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani si gaar ah loo bar tilmaameed sanayo, aad iyo aad baanu uga xunahay bartimaameedkaas oo kale in  uu manta ka dhaco dalkeen oo aynu filaynay inuu muwaadin kastaba u xor yahay aragtidiisa siyaasadeed iyo xisbiga uu ka mid noqonayo.
Waxaa la yidhi nin wadaad ah ba reer u soo hoyday, debadeedna wax uu arkay adhigii reerka  oo soo xeroonay oo uu ku jiro wan galaalan oo si fiican u shilis markaa buu reerkii qaylo  ku dhex dhacay oo uu yidhi wanka galaalan ha la gawraco waa belaayo xijaab ee, wax yar ka bacdi buu arkay Naayl yar { wan yar} oo galaalan oo maqasha laga soo qabtay oo la si sido oo la rabo in la gawraco Naylkaas oo aan ku xisaabtamin markaasba waxaa ka soo hadhay BAL QUDRADA ILAAHAY INTA UU LEEG YAHAY EE UU GALAALAN YAHAY EEGA.
Waxaan uga jeedaa BAL QUDRADA ILAAHAY MAXAA XUKUMADEENA HABLAHEENA SHARAFTA MUDAN LAGA  SIIYAA EE KU ITIXAAMAY.
1, Waxaynu ogayn inantii Faadumo Siciid.
2. Waxaynu ogayn xaasaskii mujaahidinta Maxamed Cali iyo Ina jamac dhiif
3. Waxaynu ogayn inaantii lagu xidgay aflgado madaxeed ee Wasiirka madaxtooydu yidhi fariin bay I soo dirtay, isaguna gole ilyartu is qabatay buu masuulinta qaranka  LABA ISLAAMOOD OO MASUUL KALE QABO OO UU KU LEGDIN BARTO OO MIDBA MAR GIDAARKA KU DHUFTO KA DHIGA OO AAN DENBI QABAN
4. HINDA J. XIRSI GAANI oo mar hore tvga qaranka { xidigta oktoobar} dumar loo soo fadhiisiyay
Waxaan xukumadeena xusuusinayaa in kacaan Siyaad Bare ee Afrika uGu xooga waynaa uguna dabaabadaha badana uu eeday Hablaha reer Somaliland iyo Dhalinyerad reer Somaliland, kordhin baabay hadal hayaaneen waxaan filayaa in ya soo dedejin innayaan cimiriga xukumada u hadhsan haddii aanay sidan wax ka bedelin.
Ugu danbayntii waxaan dhanaam reer Somaliland, Bahwaynta Reer Waddani iyo Heyahada Xuquuqal Insaankaba kuwa dalka guduhiisa iyo kuwa Caalamigaba ah ka codsanaynaa inay Cambaarayeen Xadhidan ku salaysan AARGOOSIGA AH
ALLA MAHAD LEH
Faisal Farafidiye
Golaha Fulinta
ee Xisbiga Waddani