Xubno Ka Mid Ah Hoggaamiyayaasha Xisbiga UCID Oo Dagaal Afka Ahi Ku Dhexmaray Intarnetka

Xubno Ka Mid Ah Hoggaamiyayaasha Xisbiga UCID Oo Dagaal Afka Ahi Ku Dhexmaray Intarnetka

image

Hargeysa (SM)– Murashax madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xassan Mataan Iyo Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbigaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa weerar afka ah isku weydaarsaday shabakadda Facebook oo ka mid ah baraha Intarnetka ee bulshadda.

 

Labadda Masuul ayaa waxaa is maandhoofkoodu ka bilaabmay, ka dib markii Cali Guray ka hadlay qaxooti Xukuumaddu sheegtay inay soo celinayso. Islamarkaana, qaar ka mid ah dadweynaha ku nool gobolada Awdal iyo Selel qaarkood u arkeen arrin siyaasadeed. Qoraalka Cali waxaa uu ku yidhi sidan: “ 1990-kii waxaan ahaa goob joog markii weerarka balaadhan ay ciidamadii taliskii Siyaad Barre ku soo qaadeen xeebta dhinaca galbeed ee Somaliland. Waxa ciidamadii SNM dagaaladaasi dib loogaga qabsaday Saylac iyo Lawyo Caddo anigu na waxaan gurmad ugu tegey ciidamadaasi (SNM) oo uu hogaaminayay Mujaahid Maxamed Xasan Jidhif meesha la yidhaahdo Cali Weeci oo aan taakulayn u badan saanad ugu geeyay. Aniga iyo Jidhif oo fadhina taag yar oo dhinaca xadka Somaliland dhinaca kale ee xadka Djibouti ka aragna dhisme yar oo la iigu sheegay dukaan ayaa waxa xadka ka soo talaabay dhawr qof oo ay hor kacayso gabadh INA IDIRIS GUULEED ah oo uu adeer u ahaa AHN madaxwaynihii hore ee Djibouti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon. Waxay nooga warantay qaxootigii dagaaladaa ka soo qaxay oo xoolagoodii la dhacay oo faro madhan in ay ka mid ahayd dadkii u soo gurmaday kuwaas oo xeradii ugu horeysay looga sameeyay meesha la yidhaa, hadii aanan qaldanayn Holhol.

Hadii dadka laga hadlayo ay kuwaa iyo kuwo la mid ah yihiin xisbiga UCID aniga ayaa hogaankiisa ugu sareeya ka mid ah oo hadana xogogaal ah oo qiraya in qaxootigaasi yahay qaxooti reer Somaliland ah. Sidaa daraadeed, hadii ay xukuumaddu qaaday talaabo dib loogu soo celinayo waxan leeyahay waa talaabo kale oo dhinaca saxa ah ay u qaaday.

Dhinaca kale marka ay tahay yaa ah muwaadin Somaliland ah yaan se ahayn lafteeda na waxa qeexaya Dastuurka Qaranka ee dib ha loogu noqdo maxaa muranka ba keenaya.Ugu dambaystay anigu Shirwaynihii SNM ee Baligubadle kamaan qayb gelin ee waxan kaga baaqday dhacdooyinkii iyo hawlihii dagaalka ee ka socday xeebaha galbeedka Somaliland” Sidaas ayuu yidhi Cali Guray.

Saaxiibkii Cabdirashiid Xassan Mataan oo ah murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID ayaa ka daba-qaatay, waxaana uu qoraalkooban ku yidhi sidan: “Waa ayaan darro in masuul sare oo ka mid ah Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku uu qayb ka noqdo barnaamijyada xaalad abuurka ah ee ay xukuumaddu ka dhaqdhaqaajinayso bari iyo galbeedba. Ma qabo in Muwaaddin udhashay Somaliland, uu cidna fasax uga qaadnayo deegaankiisa iyo meel kasta oo uu ka rabo in uu ka dego Somaliland.

Waxaan wada ognahay in Somaliland ay Soddonkii sano ee u dambeeyeyba ku jirtay barakac iyo qoxooti gudaha dalka iyo dibbaddiisaba, nasiib wanaagna aynu dib uga soo kabanayno dhibaatooyinkaa maantana ay inoo cammiran yihiin magaalooyin badan, waana wax lagu farxo lana dhiirri geliyo. Islamarkaana, waan soo dhowaynayaa muwaadin kasta oo tacmiirta magalooyinka Somaliland qayb ka qaadanaya, markhaatina uma baahna in loo furo, umana baahna in ay Dawladi dabada ka waddo ama hor oroddo.

Barnaamijyada aanu ku rabno codka shacabkuna waa kuwo ku qotoma, dhowrista wada noolaanshaha, kobcinta xuquuqda shakhsiga iyo abuurista Qaran la wada ilaashashado. Si loo helo taa waa lagama maarmaan in laga dhowrsado wax kasta oo wax u dhimaya haddii ay tahay hadal ama ficilba.” Ayuu yidhi Cabdirashiid.

Cali ayaa ku soo noqday, mar kale, waxaana uu kaga jawaabay hadalkaasi danbe sidan: “Waxaan aad ula yaabanahay musharaxa madaxwayne ku xigeenka ee UCID kamuu hadal lama na yaabin ninkii masaajidka tukinayay ee yidhi 74 qof bay SNM Boorame ku xasuuqday. laakiin waxa isaga ka yaabiyay in aan sheego wixii aan goob-jooga u ahaa ee maalinta qiyaamaha ee la qatan yahay ee la wada qaawan yahay aniga la i waydiin doono. Midda kale miyaanu ogayn xisbiga uu ka musharaxan yahay ba in waxa uu u taagan yahay ba uu yahay cadaalad iyo daryeel mise waxa aanu wadno ayaa sidii AHN berkedii Xasan Sh. Cismaan Nuur sheegay ah DUSHA KA SUMUNI HOOSTA KA SEDEX GAMBO. Anigu ma aqaan mana waafaqsani siyaasadda ku dhisan beenta iyo khiyaamada in dadka lagu dhaqo. Hadaan qalad qaadanayo saaxiibkay Axmed Siilaanyo ayaan iska ag fadhiyi lahaa oo weli ba abaal iyo ajar iigu hayn lahaa wax aan doono na ka heli lahaaye isaga isu maanu nimaadneeba.

Siyaasadda na isagoo fiyaaradda taagan oon albaabka ba ka soo gelin eh shaqadiisa iska haysta Cali Gurey is kama maageen”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Hubaal