Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Inay Xidhiidh La Leedahay Al-Shabaabta Buuraha Galgala

(SM:Hargaysa) Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobalada Iyo Dagmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe oo maanta u waramaayey qaar ka mida Warbahinta dalka ayaa waxaa  uu si kulul uga Jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay Maamulka Puntland oo sheegaya in Somaliland ay xidhiidh Saaxiibnimo la leedahay kooxda Al-shabaab.

“Warkaasi runtii waa war waxba kama jiraan ah,war been abuur badani uu ka dhex-muuqdo weeye,wax yaabo badan  oo gaf ahina ay ka dhex muuqdaan ku waasina aanay ahayn kuwo aanu qabno waxyaabo badana waa ka hadlay,”

 

 “Anagu waanu ku dadaalaynaa in xagayaga wax kastoo keeni karaya mushkilaad iyo isku dhac waanu ka digtoonaanaynaa,hase ahaatee sidaad wasiir wax u wadaa maaha sidii darisku wax u ahaan jiray waan daris xumo hadalada aad sheegaysana waxaa ku jira hadala badan oo deel qaafa”

 

Salaanmedia/Hargaysa