Xukuumadda Somaliland Oo Soo Afgartay Shaqaaqo u Dhaxaysay Labad Beelood oo Wadda Dega Gobolka Saraar

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Afgartay Shaqaaqo u Dhaxaysay Labad Beelood oo Wadda Dega Gobolka Saraar

March 3, 2014 

Caynaba (SM ) – Wafti wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa soo af garay shaqaaqo u dhaxaysay beelaha Cali bare iyo Reer Bare ee beelsha Habar jeclo oo wada dega Gobolka Saraar.

IMG_0094

shaqaaqadani oo la xidhiidhay Dil loo gaystay Taliyihii xabsiga dhaxe ee magaalada Caynaba oo ay koox hubaysani halkaasi ku dileen mudo sanad ka hor ah, iyo dad arintaasi loo xidhidhay, ayaa maanta lagu dhawaaqay in heshiis laga gaadhay lana soo af-garay.

Wafti culus oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, isla markaana ay ka mid ahaayeen Wasiirka Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Saciid Raygal, Hawalaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xidhidhabaan Axmed Ducaale Bulaale, Xil. Faarax Dheere, Gudoomiyaha Saraar Axmed Cumar, Salaadiin iyo cuqaal tirro badan ayaa goob joog ka ahaa madashii laga dhawaaaqay heshiiskaasi.

IMG_0105

Munaasibad balaadhan oo laga qabtay Tuulada Ceeldhaab ee Gobolka Saraar ayaa waxa guddi xeer beegti ahi ay kaga dhawaaqay xukunka ay ka gaadheen Qaan labadaasi reer u dhaxaysay, iyadoo halkaasi ay labada dhinac si weyn u soo dhaweeyeen xukunkiin aqbaleen, kuna kala qaateen Xoolo Nool iyo lacag kaash ah.

Gudoomiyaha Saraar Axmed Cali Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Anigu maanta hadii aan gudoomiyihii gobolka ahay waxaan aad ugu faraxanahay inay maanta halkan kaga dhawaaqayno xalka dhibaato mudo gobolka ka taagnayd, maanta xukunkeedii aynu halkan u fadhino, iyo hesiiska aynu ku dhawaaaqayno waxana inoo wada oo halkaas fadhiya guddi dhex dhexaad ah oo garsooreyaal ah.”

IMG_0141

Gudoomiyaha Guddida Xeer-beegti ah oo arintan Go’aan ka gaadhay Daa’uud Oogle Faarax ayaa halkaasi kaga dhawaaqay  waxa ay xukumeen waxaanu yidhi “ halkan waxaanu ku xukunay maalintii hore 314 geel ah oo dhagor ah iyo 65 Halkaad oo lacag ah kuwaas oo isku noqonaya 379 Halaad, waxan aanu u qabanay beesha laga rabo inay ku keenaynaan mudo 45 maalmood ah, oo aan wlai dhamaan, maanta dhamaan xoolahaasi waa diyaar, madashana aynu fadhino ayey ku diyaar ku yihiin, waxa kale oo beesha dhiiga loo sheeganayey aanu ku xukunay oo maanta diyaar halkan ku ah laba halbood oo godob reer ah, waxa aanu madaxada ka cosanaynaa in dadkii arintan u xidhnaa xoriyadoodii loo soo celinayo.” Ayuu yidhi Mr.Oole.

IMG_0180

Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed oo ah Caaqilka Beesha Cali bare oo magta la siiyey oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qaateen xukunka ay xeerbeegtudu soo saartay, isla markaana ay sidiisa ugu dhaqmayaan, aadna ugu mahad celiyey Guddida xeerbeegtida ah.

IMG_0241

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud ee beelaha Habar jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali, oo sheegay in heshiishka shaqaaqadani laga gaadhay ay guul u tahay dadka walaalaha ah ee wada dega Gobolka Saraar iyo guud ahaan Somaliland waxana uu yidhi “ waxaan Xukuumadda Somalilanad ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyo Wasiirada sharafta leh ee maanta halkan inla jooga ee safarka dheer inoo soo galay ku bogaadinayaa dadaalka ay galiyeen in maanta heshiiska la galo, waxa kale oo aan amaanayaa Wasiir Warancade fuliyey kana dhabeeyey balankii uu ina galay, maanta sharaf ayey inoo tahay hadii aynu nahay reer Saraar in nabadaa aynu qaadanay ay inala joogaa dad reer Somaliland ah oo ehelu sharaf ah oo safaro u soo galay arintan.”

Suldaanka Guud ahaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Guddida maanta go’aanka soo saartay maaha guddi xal ah, waa guddi xul ah oo aanu ka soo saarnay afar gobol, waa niman aanu ka fiirsanay, oo aanu ku kalsoonahay, maanta xilkii aanu saarnay si weyn ayey ugu soo baxeen, maanta waxaanu ka dhigaynaa guddidii sare ee beesha, dhinacdaya arintani ka dhaxaysayna waxaan ku  bogaadinayaa sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen go’aanka guddida, waanan ugu ducaynayaa, intii dhimanatyna Alle ha u naxariisto, inteena noolna ha inooga daba naxariisto, Wasiiradda iyo Xukuumadda anaaga idiinka wakiil ah hadaad bulshada tihiin, anagaa arintooda xogogaal u ah, arintan dadal weyna yey galiyeen waanan ku amaanyaa.”

IMG_0260

Wasiirka Wasaaradda Hawalahada Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ iyadoo xoolaha dhinac wax loo sheeganayey la saaray ay aad u badnaayeen mudaduna koobnayd, waxaanu ku faraxanahay inay balantaasi ka soo baxday beeshu, waxana aniga I galay hadal uu nin yidhi oo ahaa wax walba nabad ayaanu siinaynaa, beeshaasi xoolaha bixisay waxaan ILAHAY ugu barynayaa in halkii ay ka soo saareen uu wax khayr qaba ugu badalo.”

Gabagabadii munaasibadasi ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, waxana uu yidhi “ shalay xaaji saalax ayaa ka imid shalayna waan cadhaysnaa, laakiin maanta waan farax sanahay, waxaan ku farax sanahay wanaaga halkan yaala, nabada la qaatay iyo khyarka ILAHAY ina waafajiyey, guddida halkan maanta go’aanka ka soo saartay waan u mahad naqayaa, aadna waan ugu han weynahay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa beesha gacanta ku dambaysay ee sida gobonimada tolkood ugu dulqaadatay, beesha kelena aad ayaan ugu mahad naqayaa gobonimo ayey muujisay, beeshaasi wax loo tirinayey xilkeedii way ka soo baxday mudadii aanu u qabanayna way ku keentay xoolihii laga doonayey.”  Ayuu yidhi Wasiir Warancade.

Waxaanu intaasi kud aray “ maanta halkan waxaa ku muujiseen qiimaha ay nabadu leedahay waxana cadaatay in xikmad wanaagsan aad ku shaqayseen taasuna ay Somaliland anfici doonto, dhibi way dhacaydaa ALLE ha inaga keenee laakin xilka ina saaran ayaa ah waa aynu xalimo, oo hadii wax dhacaan masiibada aynu xalino inta aanay cid kale gaadhin, Hadii aanu dawlada nahay waxaanu idiinku bushaaraynayaa inaanu idiin dhiso doonto Saldhigii Booliska iyo Maxkamadiiba, waxa kale oo aan idiin sheegayaa in dadkii arintan u xidhnaa ay xor yihiin saacadaasi la bilaabo, xoriyadoodiina waanu u soo celinay.” Ayuu yidhi Wasiir Waran Cade.

Munaasibadaasi ayaa markii ay dhamaatay waxa ay Cuqaasha labada dhinaca halkaasi kula kala wareegeen 314 geel ah oo dhagor ah iyo 65 Halkaad lacagtood oo kaash ah, waxana kala wareeejinataasi goob-joog ka ahaa Xubnaha Golaha Wasiiradda Somaliland.

IMG_0187IMG_0193

Salaanmedia/Hargeysa