Xukuumadda Soomaaliland oo qalabkii wadooyinka u raraysa Sanaag, kana soo bilaabaysa dhinaca Ceerigaabo

cagafCeerigaabo(SM)  Xukuumadda ayaa ku talo jirta maalmaha soo socda in ay qalabkii wadooyinka u rarto Gobolka Sanaag, iyadoo ku talo jirta sida ugu dhakhso badan in ay u bilowdo dhismaha Jidkaasi oo isku xidhi doona Gobolka Sanaag iyo Somaliland.

Dhaqdhaqaaqa ka soo baxaya Hay’adda Horumarinta wadooyinka ayaa sheegaya in la go’aamiyey in la dhaqaajiyo Qalabkii Jidkaas loo soo iibiyey, isla markaana laga soo bilaabo dhinaca Ceerigaabo iyadoo la soo wadi doona inta qorshe dhaqaale ah ee loo hayo.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa dhawr jeer ku cel celiyey in ay Somaliland dhisi doonto Jidkaasi, isagoo xusay haddii la isku tashado in laga midho dhalin karo wixii loo kaco, waxaanu qorshihiisa socdaa yahay sidii uu riyadiisaas uga dhabayn lahaa.

Wasiir Xirsi waxa uu gabo gabo marinayaa jidka isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale oo muddo badan lagu dhici la’aa kaasoo kaabiga u saaran magaaladda Wajaale oo ah xarun ganacsi oo Somaliland muhiimad gaar ah ugu fadhida, taasoo lagala kulmi jiray rafaad balaadhan.

Sidoo kale, Xukuumadda iyo Dadweynaha Reer Awdal ayaa dhamaystiray jidka Dilla illaa Borama kaasoo Reer Awdal dhibaato ba’an ku hayn jiray.

Si kasta ha ahaatee waxa soo baxay in Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka soo jari doono Dhismayaasha Galbeedlka, balse warar kale oo ka duwan ayaa sheegaya in uu dhinaca Barriga ku horayn doono oo uu kaga qayb gali doono furitaanka Mashaariic laga hirgaliyey Burco isla markaana uu soo kormeeri doono Berbera illaa Xeebta Barri.

Salaanmedia/Hargaysa

Waheen