cabdixafid

Guurku waa iskuul halkaas oo aad ka hesho shahaado inta aadan bilaabin.

Iskuul aadan waligaa ka qalin jabinayn

Iskuul aan lahayn fasax

Iskuul aan la oglayn in qof ka baxo ama ka tago

Iskuul ah inaad maalin kasta xaadirto noloshaada oo dhan

Iskuul aan lahayn ogolaansho fasax xanuun ama fasax kale

Waa iskuul uu sameeyay Allah

Oo ku salaysan jacayl

Darbigiisana laga sameeyay is aaminaad

Albaabkana laga sameeyay aqbalaad

Daaqadahana laga sameeyay is-fahan

Alaabta aqalkana laga sameeyay naxariis

Saqafkana laga sameeyay caqiido

Inta aadan ilaawin ka hor, waxaa tahay arday ee ma tihid maamule, Allah baa ah maamulaha. Xitaa markii ay jirto duufan, ha noqon mid aan xikmad badnayn hana u cararin banaanka.

Ogsoonow iskuulkaan waa meesha ugu aaminsan ee lagu sugnaado.

Ha seexan adigoon dhamaynin shaqooyinka maalintii.

Ha ilaawin erayga , la xiriir, la xiriir, la xiriir ardayda isku fasalka tihiin iyo maamulaha.

Hadii ay dhacdo arin ama ficil qofka isku fasalka tihiin(Lamaanaha) oo aadan jeclaysan,

ogsoonow qofka aad isku fasalka tihiin waa arday sidaada oo kale maaha qof qalinjabiyay ama dhameeyay. Allah wali muusan dhamaystirin isaga ama iyada, sidaa darteed u qaado carqalad iskuna day inaad ka wada shaqaysaan si wada jir ah.

Ha ilaawin inaad wax barato, barato buuga niyadsamida ( waa buuga ugu muhiimsan ee iskuulkan).

Ku bilaw maalinkasta laylis barakaysan kuna dhamee sidaas oo kale. Mar marka qaarkood waxaad dareemaysaa inaadan rabin inaad xaadirto class ka, hase ahaate waa inaad xaadirtaa.

Waxaan damacnaa inaad ka baxno, raadi geesinimada halkaas na ka sii wad.

Imtixaano iyo laylisyo baa laga yaaba inaad ku barato iskuulka, lakin ogsoonow maamuluhu waa yaqaanaa inta aad xamili karto ama qaadi karto.

Wali, waa mid ka mid ah iskuulada dunidan ugu wanaagsan; farxad, nabad iyo daganaan baa la socota cashar kasta ee maalin laha ah.

Maadooyin kala duwan baa lagu bixiyaa iskuulkaan, sidaas oo ay tahay jacaylku waa maadada ugu muhiimsan.

Ka dib sanado oo aad qaadanaysay casharo fikir ah, hada waxaad haysataa fursad aad ku dhaqan galiso waxii aad ku soo baratay inaad ficil ahaan ku muujiso.

In lagu jeclaado waa wax aad u fiican, laakin inaad wax jeclaato waa fursad qaali ah dhamaan.

Guurku waa xarunta jacaylka, marka jeclow xaaskaga ama lamaanahaaga:

 “fasalkaan wax lug ah kuma laha qof aan ogolaansho haysan inuu galo”! hadii aad ku casuunto hooyadaa ama aabaha ama saaxiibadaa class kaan, ama qof kale oo aan loo ogalayn inuu ka mid noqdo, waxaad ku dhacaysaa imtixaanka.

Waa adiga qofka laga rabo inuu xaadiro waana adiga qofk ku baasayaa imtixaanka.

Waa sida aad rabtid maanta:”dhis ama bur-buri”.

Ilahay hana barakeeyo dhamaanteen. Aameen

By Abdihafid Mahamud  Jama

London

Twitter @ABDIHAFIDUNIVTV