Akhriso: Maanso Cusub Oo La Baxday Siilanyo Siyaasi Lagu Hungoobay Siyaadka Sanadka…Waxa Curiyey Wariye Cabdiraxmaan Dhaadheere –

Akhriso: Maanso Cusub Oo La Baxday Siilanyo Siyaasi Lagu Hungoobay Siyaadka Sanadka…Waxa Curiyey Wariye Cabdiraxmaan Dhaadheere

Halkan Waxaan idinku soo gudbinayaa Maanso Gaaban Oo La Baxday (Silanyo Siyaasiga Lagu Hungoobay Siyaadka Sanadka) oo aan Curiyey 8/4/204,taasi oo aan kaga damqaday ama ugu dhalatay markaan arkay xaaladaha qalafsan ee haatan ka jira Dalkeena Somaliland,taasi oo ay kow ka tahay tacadiyada Saxaafada Xorta ah,xoriyatul qawlka iyo musuq-maasuqa hadheeyay Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxwayne Axmed Silanyo,iyo ku tagri falida hantida dadwaynaha ee ay ku tagri falayaan dadka aan xukunka ehelka u ahayn balse meelo kale oo qaraabo kiilnimo ah xukunka gacanta ka soo galiyey.

Silanyo  Siyaasi

Lagu Huboobow

Siyaadka Sanadkow

Saxafadii Saxnaydee

 Kuu Sacabo Tumi Jiray

Sawdigan Saluugee

Seetada Ku wada Xidhay

Haatuf Iyo Hubaal Iyo

Sawdigan Surmeeyee

Seetada Ku Wada Xidhay

Silanyo Siyaasi

 lagu Hungoobow

Siyaadka Sanadkow

Sabadii Wacnayd Iyo

Somaliland Dalkeenii

Sawdigan Sad Qeeyee

Sumadii Wacnayd Iyo

Dimuqraadinimadii

Surinkii Ka Baydhee

Wuxuu Saxafi Qoro Iyo

Xoriyatul Qawlkii

Seetada Ku Wada Xidhay

Silanyo Siyaasi

Lagu Hungoobow

Siyaadka Sanadkow

Sinaantiyo Dastuurkii

Sawdigan Saaka Saydhee

Dadka Kala Jeclaysiyo

Sumadii Xumaydee

Qabyaaladi Ka Kowtahay

Sawdigan Sabo Wadaagtii

Soo Kala Dhex-dhigayee

Dalkii uu Siloonyahay

Silanyo Siyaasi

Lagu Hungoobow

Siyaadka Sanadkow

Dadkii Kii Suudhka Kuu Xidhay

Saaka Maxay Ku Suganyiin

Sawkuwan Surmiyayee

Saakaba Dabloo Shidin

Su`aashaydu Waxay Tahay

Kuwan Kula Saf Joogee

Mansabyada Sareeyiyo

Aad u Saydhay Laacee

Hirqanaya Hantida Dadwaynaha

Awooduna U Dheertay

Silanyo Waa Maxay?

Bal u Saaf Dadwaynaha.

dhadhere09@gmail.com