Alif Alif Alif siigada kulmiye kicinayo ee durba gacan ka hadal gaadhey by Abdi Mustafe

MAQAAL
Weli fari kama qodna faanoole. Farasaar iyo feedh maanta reer Kulmiye is la dheceen waa sahaalo ee waxa xigi iyadoo baas-toolado la isku rido. In xisbiga Kulmiye burburay cidna caad kama saara ee ilaahow Somaliland ka nabad geli hurdankan qadhaadh ee ka dhex aloosan ergadii, xubnihii iyo wasiiro ba. Madaxweyne Silaanyo ayaa kala saari lahaa ee isna caafimaad daro ayaa la soo deristey oo waakaa Berbera kaga muquurtey kala daad sanaanta xisbiga. Kulmiye iyo madaxtooyadu dulmigii ay galeen intii ay xukunka hayeen ayaa biirey oo ku soo rog madey. Cid maanta kala saari kar taana ma jirto ee waa inuu xisbigu ku dumo. Silaanyo dan kama laha oo si wal ba wuu faham sanyey in aan xal loo heli karin. Reero badani na waa kuwaa cadeyste ee qaadacay in ay shirka Kulmiye ka qeyb galaan.
Somaliland talo ayey u baahantey inteynaan sida Xamar noqon. Talada uugu fiicani waa Silaanyo oo is casila oo mudada inta hadhey Zeilici sii wado inta doorashada laga gaadhayo. Midina waa biyo kama dhib caan Amina Weris ama ha is dhega tirto ama yey is dhaga tirin e in mudo xilood koodii soo dhowyey oo aan cidina dub u dooranayn. Xisbiga Waddani waxaan odhan lahaa u diyaar garow sidaad hogaanka dalkan u qaban lahayd sababtoo ah qofka toban jirka ah ayaa arkaya in shicibku ay Waddani u badanyiin. Reer Kulmiye waxaan leeyey Somaliland wey ka weyntey xisbiga Kulmiye ee hadaa shiri kari weydeen oo durba gacan ka hadal bilowdeen aayar dalka khal khla ha ku ridina ee saaxada siyaasada ka baxa marka horeba waa la garanayey xisbiga kulmiye sida loo dhisey in aan lagu heshiin doonin e.
Bye Kulmiye.