Bukhaari waxaan leeyahay nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqaydeed maal dhashaada ayay dishaa xaajadaad dhoowrsataa abid!,

Bukhaari waxaan leeyahay nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqaydeed maal dhashaada ayay dishaa xaajadaad dhoowrsataa abid!,

MAQAAL

wax layidhi adiga oo waafiya weyd laysuma cesho! karaamo daradii uu kala kulmay saleebaan bukhaari shirkii xisbigu kulmiye markuu shalay furmaayay qof kasta oo arkay waxa uu ka naxay waxa ku dhacay nin kaas is bahdilay ee waxaanu awoodi Karin isku tijaabiyay! waxa la yidhi ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe! wuxuu isku dayay inuu shirka afduubo oo majare kale u sameeyo kadin markuu isku dayay inuu muuse biixi ka qaado mikirifonka nasiibdaro wuu ku fahmay muuse waxaanu sida ciyaalka ku yidhi waar aamus oo fadhiiso ilaa sadex jeer! halkii wax kale laga eegayay ayuu saleebaan bukhaari isaga oo bahdilan yidhi haye! haye! haye! oo muuse biixi dabadiisa fadhiistay!  muuse biixi ayaa u yeedhay xubnihii shirgudoonka loo doortay oo uu hore uga soo shaqaystay si ay shirka ugu hogaamiyaan sida uu isagu jecel yahay markuu ku hubsaday inay hogaankii shirka la wareegeen ayuu meeshuu fadhiyay isaga soo noqday isaga oo wejigiisa farxad laga dareemayo! 

saleebaan bukhaari intii uu siyaasada ku soo biiray waxa uu ku caanbaxay inuu marba qof u noqdo madiidin “maqaarsaar” oo lagu guuro! wuxuu xisbiga kusoo biiray waqti aad u dhow oo aan ka fogayn xiligii shirka xisbigu marba dib u dhacaayay isla markiiba waxa uu la saftay dhinacyadii xisbiga isku hayay ee labada garab ahaa mid kamida oo ah dhinacii ay horboodayeen MW/Kuxigeenka iyo wasiirka maaliyada c/casiis samaale markii ay arkeen wadaadkan jibeysan ee u daacada ah waxay ku dareen gudidii qaban qaabada shirka gudidaasi markii ay isku khilaafeen habka shirka loo qabanayo iyo waqtiga la qabanayo waxa uu ahaa kooxdii la safnayd dhinaca MW/Kuxigeenka iyo samaale ee aan fikirkooda qarsan,

sidan oo kale ayuu si anshaxa siyaasad ka baxsan uga dhex muuqaday markii khilaafka sharciga ah soo kala dhex galay shirgudoonka baarlamaanka waxaanu uu ahaa kuwa madaxtooyada laga soo shidaaliyo ee lagu garaaci jiray gudoomiye c/raxmaan cirro waqtigaas murankaasi taagnaa waa markuu xisbiga kulmiye ku biiray malaa bilba kamuu tirsanayn xisbiga waa nin jecel inuu si degdeg ah salaanka siyaasad u fuulo nasiib darada haysata marba booraan afka ka xidhan ayuu ku dhacayaa waxaana ugu wacan degdega iyo isaga oo aan garanayn siyaasad aanad adigu mindida daabkeeda hayn qofna hawgu eedoobin! somalidu waxay tidhaah daa hadaa qof jeclaato aashaa jeclow oo haysu wada dhiibin oo wax la hadh beri kamaalin waad coloobi kartaane hadaad qof necbaatana aashaa necboow oo colaadaada haw wada muujin waa intaas oo aad bere heshiisaane!,

waxa intaas u siidheer ma aha qof go-aan adag oo casiimo leh oo wuxuu aaminsan yahay ka midho dhalin kara waa nin kaas isku deyay inuu muuse biixi mikrifoonka ka qaado ee markii layidhi waar aamus oo fadhiiso haye yidhi! haduu nin rag ah oo soo badheedhay yahay muu tiisa ku adkaysto oo yidhaahdo waar muusow meesha anagaa hogaanka maanta haysana maalintaadiina maaha anaga ayaa ah gudidii qaban qaabada ilaa shirku naga soo wareegayo kuu dhiibimayno mikrifoonka ee meeshaadii kunoqo oo fadhiiso marka laguu yeedhana arag! intaas ayaa ku filayd fulaha shirka lagu aamusiiyay! hadii aanu intaas karti uu ku yidhaah lahayn muxuu mikrifoonka ugu qabsanaayay ee uu shirka isugu ceebeeyay? awelba waa nin aanu fikirku isaga ka dhalan ee cid kale u soo dhiibtay qofka markuu fikirka leeyahay ee uu isaga ka dhasho waxa lagu yaqaan inuu badheedho oo uu meel adag kaga soo hadho haduu wax kasta ku waayayo, waxaan kusoo xidhayaa qormadan oo aan bukhaari leeyahay nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maal dhashaada ayay dishaa xaajadaad dhowrsataa abid! siyaasad ma garanayside magac xumada meel la fadhiiso!,


Aadan Axmed Nuur