Ciise Xamari karaamo xumada kaaraacday dhoorashadii golaha deegaanku waa boog madaw oo kugu taal hadaad joogtana wax lamaad joogin hadaad tagtana wax lamaad tegin!,

  Ciise Xamari karaamo xumada kaaraacday dhoorashadii golaha deegaanku waa boog madaw oo kugu taal hadaad joogtana wax lamaad joogin hadaad tagtana wax lamaad tegin!,
 image

oday la odhan jiray ismaacil bidaar ayaa la yidhi ismaaciilow islaantaadii sareedo waa duday oo aqalkii way ka maqan tahay halkii wax kale laga eegayay ayuu yidhi ( naa igatag sareedo hadaad tagtana sareedo ayaad tahay oo wax lamaad tegin hadaad joogtana sareedo ayaad tahay oo wax lamaad joogin!)  halkaas waxa uu ka cadeeyay oday ismaaciil bidaar in aanay sareedo wax ugu filayn oo joogisteeda iyo maqnaan shiiyaheeduna isugumid yahay! wax la yidhi hibo eebe ku siiyay habeen laykama qaado! qofka kasta oo ilaahay abuuray karaamo ayuu leeyahay ama isaga ayaa ilaashada ama isaga ayaa iska qaada! waxa kale oo layidhi naftu waa maqnow ama waa mahad ku noolow! qofka bani aadamka ah nolosha iyo geerida labadaba waa geyaa oo ilaahay SWT ayaa u qoray labaduba waa xaq laakiin wuxuu qofku dhintaa markay karaamadu ka lunto isaga oo nool weliba waa markuu sharafkiisa uu ku iibsado hunguri iyo dhuuni! wax la xidho oo la weheshado waxa ugu qaalisan sharafka iyo karaamada labadaas hadaad weydo ma noolid waxa laguu qaatay inaad iska dhimatid! hu “maryo” la xidhana iyaga ayaa ugu qaalisan,

waxa layidhi nin aad markhaati beenaale u furtay muraadkiisiina kugu fushay raganimadaadiina ogaa! ciise Yusuf xamari iyo kooxdiisa waxa lagu aaminay inay garsoor ka noqdaan doorashada dalka oo weliba lagu dhaarshay kitaabka quraanka ah iyaga oo aan aqoon loo lahayn oo weliba siyaasada dalka ku cusub waxay ahaayeen gacan uur ku jirta nasiib daro waxay noqdeen dad lagu khasaaray waxaana lagu xasuusan doonaa fool xumadii ka raacday doorashadii goloyaasha deegaanka ee ugu dan baysay doorashadaas oo hamigii dadka hoos u dhigtay oo aanay hada wax omateed ah ba u haynin inay cid doortaan waxaanay ka aamin baxeen cida doorashada garsoor danbe ka noqonaysa!,

somalidu waxay tidhaah daa fule xantii ma mooga! hadaad aragto qof masuul ah oo iska casila jago uu markaas madax ka yahay waxaa cad inay soo wajehday dhibaato ka dhalatay shaqada uu markaas masuulka ka yahay dhinacay doonto ha kaga timaadee gudoomiye ciise Yusuf xamari hada wuu is casilay inooguumuu darin dhibaatada uu iska caslilay ee ku kaliftay inuu ka tago xilkii uu umada u hayay waxaana meesha ka muuqata inuu dareemayo in aan lagu qanacsanayn doorasho danbe oo uu masuul ka yahay taasina waxay markhaati cad u noqonaysaa inuu sameeyay wax isdaba marin aad u balaadhan isaga iyo koox diisu intii ay xilka hayeen!,

waxa layidhi falaadhi gilgilasho kaagama godo! ama iscasil ama hays casilin dalka waxaad ka gashay danbi qaran iyo khiyaamo qaran hadii sharci jirana maxkamad ayaa lagu soo taagi lahaa adiga iyo kooxdii kula shaqaynaysay ee umada dhagarta u maleegtay waxaase laydinla sugayaa maalinta cadaaladi dalka ka dhalato ee dowlad xaq ah la helo ha moodina in danbigaas laydinku dhaafayo waa mid diiwaanka qaranka idiinku jira! xukuumadan joogtaana waa mid dulmigiinii ka dhalatay oo xalaal maaha! hal xaaraani nirig xalaal ah ma dhasho! haday xalaal tahay way idinla xisaabtami lahayd laakiin waxay ogtahay in aad ugu shubteen oo codka xaqdaro ah kusoo baxaday sidaas bayna afka uga xidhatay tii idinka xisaabtami lahayd way iman doontaa insha alaahu, 

wuxuuse wax yar dhaamaa ciise xamari  kuwa af iyo gacan ku dhiiglayaasha ah ee dhagarta la galay ee is leh danbigii aad gasheen ciise xamari ayaa kelidii loo xan baarinayaaye meesha sii fadhiya markuu ciise meesha ka baxo ayaad xalaaloobaysaane! miyaanay ogayn inay isku mid yihiin intuba iskuna xukun yihiin? 

waxa layidhi nin faras dabadii ka degey meel u dhaanta ayuu waayay! waar meesha ciise xamari maray iska mara idho adayga iska daaya oomateed umadu idiinma haysee waxaan maqli jiray idho adagaa ma bacaadaa! waxaan leeyahay hadhaaga ciise xamari idinkuna ku dhawaaqa iscasilaada danbiga waad la qabtaane! oo umada u fududeeya wax idin dhaama ha reedsatee.  


Aadan Axmed Nuur

khuurshe11@hotmail.com