Xafladii ugu balaadhneyd ee Abid uu yeesho Xisbiga Waddani UK ayaa ka dhacday hoolka Quruxda badan ee ku yaala Xaafada Wood Green ee Waqooyiga London. Xafladan oo loogu talagalay soo dhoweynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land, ahna Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xilka Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/lahi “Ciro” iyo Wafti balaadhan oo ku weheliyey Safarkan ay ku joogaan Waddanka UK.Â
Xafladan oo ilyartu isqabatay ayaa waxaa abaabulkeeda lahaa kana soo shaqeeyey Laamaha Koonfur Bari “SE” iyo Waqooyiga “N” ee London. Xafladan ayuu furitaankeedii lagu bilaabay Aayado Quraanka Kariimkaa waxaana ka dib hadalo soo dhoweyn iyo warbixino ah ku furay Gudoomiyaha UK, Mudane Ahmed Ali Nahi. Gudoomiye Nahi ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo kaalinta Xisbiga UK kaga jiro dardargelinta hawlaha iyo horumarka Xisbiga. Xubno sare oo ka tirsan Xisbiga laamihiisa heer-Qaran iyo Uk-ba ayaa iyaguna goobta ka soo jeediyey hadalo yididiilo leh oo loo riyaaqay.Â
Xubnihii wehelinayey gudoomiyaha oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan A/rahman Xoog, Xildhibaan Nasir A Shire, Gudoomiyaha Dhaqaalaha Xisbiga Waddani Mudane Ahmed Fag-fagaash, Gudoomiyaha Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr Maxamed Cismaan Fadal oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa taabtay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen Habdhaqanka Foosha-xun ee Xukuuada Kulmiye, Ku takri-falka Dhaqaalihii Wadanka iyo Awoodii Wadankaba; Kala-qaybinta iyo kala qo-qobida Bulshada S/land, Hoos u dhaca Siyaasadii Dibada oo laga leexiyey qaabkii dalka iyo dadka dantiisu ku jirtay; Dil iyo Cabudhin xoog leh oo ka soo cusboonaatay Wadankii iyo waxyaalo badan oo kale.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Ciro oo soo afmeeray Xafladan ayaa Mahadnaq balaadhan u soo jeediyey dhamaanba Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani UK iyo Xubnihii ka soo shaqeeyey inay qabsoonto xafladan qiimaha badani. Gudoomiye A/rahmaan Ciro oo qodobo badan ka hadlay ayaa waxaa xusid mudan inuu yidhi:Â
1) Cambaarayn Cabudhinta Saxaafada ee xukuumada Kulmiye taasoo uu ku macneeyey in qorshaha Xukuumadu yahay “Ama Kulmiye raac ama Afkaaga hayso”.Â
2) In Diiwaan gelinta iyo Doorashaduba Xiligooda ku qabsoomaan.Â
3) In Xilku yahay Qori isu-dhiib, Xukuumada Kulmiyena looga fadhiyo inay marka Xil-mudeedkeedu dhamaado ay si nabadgelyo ah u wareejiso Xilka.Â
4) In looga baahan yahay Xukuumada Kulmiye inaysan ku xadgudbin Sharciga Wadanka iyo Madaxbanaanida Laamaha Wadankaba.Â
5) Ugu dambeyna Gudoomiye Ciro ayaa cadeeyey in xuquuqda Muwaadaniinta, Xoriyada Saxaafada, Wada-lahaanshaha Dalka iyo Khayraadkiisaba, Ilaalinta Sharciga Wadanka, Nabadaynta Deegaamada Wadanka, Ka-qayb qaadashada iyo Dhamistirka Horumarinta Wadanka iyo Awood saarida sidii Aqoonsi buuxda Wadanku u heli lahaa, ay yihiin Qorshayaasha Aas-aaska u ah Siyaasada Xisbigan Waddani, Waxuuna ugu baaqay in shacabku codkooda ku taageeraan Isbedelkan Cusub ee Xisbiga Waddani wado.
Xafladan oo si qiimo badan ku soo gaba-gabowdey ayaa Madax-dhaqameedo, Aqoonyahano, Garabka Haweenka iyo Garabka Dhalinyaraduba kaalintoodu aysan meesha ka maqnayn. Waxaa kaloo xusid mudan in Xubno badan oo goobtan ku sugnaa ay Cadeeyeen inay ku soo biireen Xisbiga Waddani; Muruqooda, Maalkooda iyo Maskaxdoodana ku siyaadin doonaan Xisbigan Waddani si uu ugu guulaysto hogaanka Wadanka.  Â
Qasim A SaleebaanÂ
Afhayeenka Xisbiga UKÂ
kasslmn@aol.comÂ
London.Â