Dadaalka Wasiir Xirsi W/Q Khadar Ibrahim

Dadaalka Wasiir Xirsi W/Q Khadar Ibrahim

XIWaxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

Dadaalka Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali maaha mid joogsanaya , waa mid ay wado juhdi iyo awooda ku jirta ,waana mid isbed bedalaya oo aydaan la qabsan Karin.

Haddii la isku dayo in la sameeyo laakiin ay suurtageli weydo, ma jiro khalad, laakiin haddii aan la tijaabin lana gaadhi waayo waa kaasi khaladka ama caajisku”…Waxaana la ogodaay isku daygu inuu yahay geesinimada runta,, Wadadooyinka haddii wax yar la dhiso waa guul waayo mabay jirin.

Ma jiro maamul mar keliya wax kasta oo dalka ka dhiman wada qabanayaa mid kastaa mudada uu joogo waxa waajib ku ah in aanu hagran dalkan iyo dadkan, waxaana lagu qiimaynayaa fursadaha iyo maaliyadda uu helay siduu uga faa’iidaystay iyo inay isu dheelitiran yihiin wixii gacanta dawladda soo galay iyo waxqabadka uu la yimi.

Madaxweynaha maanta tallada hayaana waa Mujaahid hore naftiisa iyo maalkiisa ugu huray dalkiisa xorayntiisa, oo welibana hawl geliyay Wasiirro uu ka mid yahay Mud.Xirsi Cali oo isna dedaal iyo kartidiisa ku taageeraya sidii guul dhamaystiran loo gaadhi lahaa.

Kama hadli karno horumar iyo koboc dhaqaale intaynu nahay kuwo aan waxba curin Karin oo ah isticmaaayaal qalbi la’ oo wax matarayaal ah , kuna jira dhaleecayn iyo hadal joogto iyo belo sheeg.

Kuwan innagu asqaysiiyay shirar iyo waxba lama qaban waa danaystayaal hore u soo wada qabtay maamulo goobihii ay maamuli jireen aan kaga tegin wax lagu xusuusto.

Dacaayadda iyo isku hadalku Waxay hadda noqotay cudur xun oo bulshadii asiibay illaa ay gaadhay in wax kasta la qoro ama lagu hadlo si run loogu qaato.

Wasiir Xisri wuxuu samaynayaa mahadho aan dhammaan sida nobel oo kale, Inta ay naxdin kugu hayn lahayd waxqabadkiisu , adigu isku day inaad keento wax bulshada faa’iido u leh oo lagugu xusuusto, kaana dejiya werwerka aad ka qaaday waxqabadka masuuliyiinta dadaalka iyo kartida badan..

W/Q Khadar Ibrahim A

Khadar338@hotmail.com