DAMAACINIMADA WAA LAGU HALIGMAA ?

CALI

Wwaxaa jiri jiray nin boqor ah oo doonnay inuu ogaado (baadhana) in wasiirka boqortooyadu DAACAD u yahay , markaasaa maalin maalmaha kamid ah , ayaa waxa uu waydiiyay 🙁 waxan doonayaa inaad ii sheegto DADKA YAA UGU DHAQAN XUN ) , wasiirkii se degdeg ah ayuu ugu jawaabay boqorkii , laakiin boqorkii kumuu qancin jawaabtiisii , kabacdi wasiirkii wuxuu codsaday inuu boqorku wakhti siiyo , boqorkiina wuu ka ogolaaday , wasiirkii wuxuu bilaabay inuu shaqaalihiisii ( kuwii sare iyo kuwii hooseba ) iyo wasiiradii kaleba , inuu su aashii waydiiyo , markasta oo uu jawaab helela boqorkii ayuu kula noqonaayay ,boqorkuna wuxuu ugu jawaabaa ( weli maad garan)ama weli maad helin jawaabtii saxa ahayd , waxay ku keliftay inuu cumaamad xidho oo shacabka dhex galo , oo su aashii waydiiyo dadkii magaalada ku noolaa iyo kuwii miyiga iyo weliba beeralaydii , wuxuu helay jawaabo isku mid ah oo uu hore u soo maqlay , jawaab uu ku qancona wuu waayay .

Isaga oo quus ah oo go aansaday ihuu magaaladii iskaga noqdo , ayaa waxa uu arkay nin adhi la jooga oo dabna shidanaaya , waxa uu waydiiyay su aashii uu xanbaarsanaa ee ahayd DADKA YAA UGU DHAQAN XUN ama WAA MAXAY DHAQANKA UGU XUN DHAQAMADA DADKU LEEYAHAY ? , waxa uu ugu jawaabay ninkii adhiga la joogay : WAXA WEEYE DHAQANAKA UGU XUN DHAQAMADA DADKU LEEYAHAY ( WAA DAMAACINIMADA )(DAMACA) (hunguri aan xalaal iyo xaaraan kala aqoon ).
Hadaba waxa jirtay in markii wasiirku ninkan waraysanaayay in ninkanu dabkii shidnaa uu dhagxan DAHAB ah ku ridaayay  , wasiirkii oo arinka ninkani samaynaayo layaaban iyo sida aanu danta ka lahayn DAHABKA uu ku daadinaayo dabka , ayaa waxa uu waydiiyay ninkii :(miyaanad garanayn waxan aad dabka ku ridaysaa wuxuu yahay ? miyaanuse qiimo kula lahayn? , waan garanayaa oo waa DAHAB , laakiin qiimo ilama laha , waayo ? anigu maan shaqaysan , kumanaan soo daalin , ee aabahay oo ioday wayn ah , oo sheekh ah , oo xoolo badan leh ayaa ii soo diray , oo jawaanno badan ayaa ii buuxa . sidaa awgeed magaranaayo wax allaale iyo wax aan ku sameeyo .
Wasiirkii markiiba waxa uu la soo booday : wax maad iga siin ?
Wuxuu ugu jawaabay : waan ku siinayaa intaad doonto, LAAKIIN bishard (shardi ) markaasuu aamusay , wasiirkii baa la soo booday hadal oo yidhi ( waa maxay shardigaasu ?, wuxuu adhi raacihii yidhi : (waxan doonayaa iminkadan inaad hortayda inaad u cido sida EYGA .
wasiirkii intuu kacay ayuu u ciyay sida EYGA   ,isuguna meeraystay .
iminkana waxan doonayaa inaad sida BISADDA aad MIYAW layso .
wasiirkii hadana sida bisadda ayuu u miyaw leeyay , cagihii adhi raacahana isugu masaxay sida ay  bisaasku sameeyaan oo kale .
wuxuu hadana ku tidhi : bal iminkana sida DAMEERAHA u ci ????
wasiirkii inta uu afka cirka u taagay buu sida dameeraha u ci yay (saddex jeer)
hadana kolba sidaa u ci buu ku yidhaahda , wasiirkuna wuu sameeyaa , markii danbe ayuu ku yidhi :boqorkaagii ku noqo jawaabtaana u sheeg , dameero iyo fardona soo kaxaso aad dahabkan ku rarato ,
Wasiirkii isaga oo faraxsan oo qaylinaaya ayuu qasrigii galay , wuxuu boqorkii ku yidhi waan soo helay  ? boqorkii waxa uu waydiiyay waxa uu soo helay ? wasiirkii waxa uu ku jawaabay : DHAQANKA DHAQAMADA DADKA UGU XUN EE AY LEEYIHIIN WAA DAMACA (DAMAACINIMADA) .
boqorkii wuxu ugu jawaabay @ jawaabtaasi adiga kaamay iman ee yaa kuu sheegay ? waa inaad keentaa ciddii kugu tidhi?
wasiirkii wuxuu ku noqday ninkii adhi raacatada ahaa , wuuna soo kexeeyay .
boqorkii waxa uu waydiiyay , inuu uga waramo sheekadii dhex martay isaga iyo wasiirkiisa .
Ninkii ayaa uga waramay wixii dhexmaray isaga iyo wasiirkiisa wuxuu yidhi : wuxuu i waydiiyay su aal ? waxan ugu jawaabay DANACA  (damaaciniumada) ayaa ah dhaqanka ugu xun dhaqamada dadka leeyahay , damaacinimo awgeed ayaa wasiirkana ku keliftay inuu sida xayawaanka u ciyo , cagahaygana leef leefo , sida EYDANA u ciyo (DAMEERAAHA IYO BISAASKABA) .
Isaga oo wasiir ah oo meel sare haysta .
boqorkii wasiikii wuu casilay , shaqadiina wuu ka eryay, ninkii adhiga raaci jiray ayuu meeshiisii u dhiibay . isagoo ku amaanaaya caqligiisa wanaagsan iyo garaadkiisa sareeya iyo aqoontiisaba .
Hadaba damaacinimadu waxay haligtaa qofkeeda .
Bal hadaba eeg kuwan sifooyinkan leh ee faraha badan , meesha ay ku danbeeyaaan .
 
CALI MAXAMED BIIXI