Ugu yaraan 91 Ruux oo Soomaali ah oo laga soo Masaafuriyay gudaha Dalka Kenya ayaa maanta waxaa ay soo gaadheen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Dadkan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay howlgallo ballaadhan oo laga sameeyay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi iyadoona soo qabashadooda kadib la isugu geeyay Garoonka Kubadda Cagta ee Kasaraani.
Mid ka mid Dadka la keenya maanta oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Kenya ay six un ula dhaqmeen Soomaalida ku Nool Magaalada Nairobi waxaana uu intaasi ku daray in Garoonka Kasaarni lagu jirdilay.
Madaxa Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Gen Gaafoow oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ayaa shaaca ka qaaday in Qaxootiga laga keenay Dalka Kenya ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen.
Sikastaba, dhawaan ayaa 82 Ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo laga soo raafay Dalka Kenya ayaa waxaa la keenay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyadoona Kenya ay shaaca ka qaaday in ay dib u soo celin doonto Soomaalida halkaasi ku Nool islamarkaana aan heysan Sharciga Dalkaasi.
Salaanmedia/Moqdisho