Silaanyo iyo Muse Biixi iyo Samaale iminka uun bay ciyaartu u bilaabantey by Abdi Mustafe

Salaan ka dib

 Muuse Biixi

Aniga oo aad ula yaaban shir beeleedka Kulmiye ee ay lahaayeen waa shir xisbi laakinse doqon mooyaane ninka ragi wuu fahmi karaa qaab darroda beeleysan ee lagu soo xulay ergooyinka oo dhamaan beel beel u yimi oo an meelna ka soo galin shuruucda u taal xisbiyada dimuqraadiga ah kana fog faankii iyo fatooshkii Kulmiye ku andacoonayey markuu xisbiga mucaaridka ahaa ee ay odhan jireen Kulmiye waa xisbi dimuqraadi ah oo cid kastaa iska soo dhex sharixi karta taas oo maanta u muuqata been cad oo aan caad inaga saarnayn sida qaabka loo qaybsaday xilalka waaweyn ama madaxda xisbi beeleedka Kulmiye Muuse Biixi Ina Kaahin iyo Waabeeye cidina la tartami mayso waa wax ka baxsan anshaxa axsaabta oo aynu u furanay in laga guuro qaabkii hore ee shir beeleedka balse waxaad aragtaa in ay finally ku guulaystan Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo in ummada dib loogu celiyo shir beeleed iyo qolo qolo aynu ka gudubnay mar hore.

 

Waxaase iyaduna yaab igu reebtay anshax xumada madax isku sheega xisbiga beelaha Kulmiye siiba Muuse Biixi oo tiroba labo jeer dagaal iyo rabshad ka dhex bilaabay shirka, mar ay is afdhaafeen Xil. Bukhaari oo ay gacanta isula tagi gaadheen iyo mar uu madaxweyne ku xigeenka dhan ee qaranka uu sida cilaaya suuqa ula dhaqmay taas oo ah foolxumo weyn oo dul hoganaysa maamulka naf la caarida ah ee Siilaanyo oo shaqo ka dhigtay baryahan dambe in uu saxaafadii u hiilisay markuu mucaaradka ahaa in uu xidh xidho sabana uga dhigo inanka inanta iga qabay caayeen waa Baashe Morgan oo aad sawirada shirka ka garan karto awooda baaxada leh ee uu ku dhex leeyahay shirkan Kulmiye dowlada iyo shamaan dalka Somaliland.

 

 

Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh.

Guuleed Buraan 

gburaan@gmail.com