(DOWLADA XAMAR QORSHIHII AY KA LAHAYD WADAHADALADA OO SIDII AY U BAHNAYD USOCDA IYO MADAXDA SOMALILAND OO WALI LEH WALAALADAYADU SIDII 1960, GUUL AYAAN KA GARNAY WADAHADALKII)

maqaal

 

 

 

 

 

 

(DOWLADA XAMAR QORSHIHII AY KA LAHAYD WADAHADALADA OO SIDII AY U BAHNAYD USOCDA IYO MADAXDA SOMALILAND OO WALI LEH WALAALADAYADU SIDII 1960, GUUL AYAAN KA GARNAY WADAHADALKII)

sidaynu ogsoonahay wadahadaladii kadhaxeeyay somaliland iyo somalia ayaa wali sii socda,
dadku markay maqaalka cinwaankisa akhriyaan waxay is waydinayaan qorshaheebay ka lahayd somalia wadahadalada?
jawaabtoo koobana waxay tahay wadahadalka ha iska socdo maalinba qodobka lagu heshiyo waxad tirahdaan sidan ma ahayn ee aan dib isagu noqono oo madaxdii inaga sareeysay lasoo tashano intaana caalamka aan u shegno inuu wadahadalka si wacan usocdo aanan is diidanayn waxa yaree jirana aanu iska dhamaysanayno sidaasna somaliland dani uguma jirto.
sidaynu daawano madaxda somaliland markay ka yimadan turkiga ee wadahadalada uu soo afjarma qaybtii loogu tala galay waxay yirahdaan guul ayaan kasoo hoynay halka kuwa xamarna aay aamusaan, maxayse la aamusaan?
somaliland waxay xornimadeedii luntay lasoo noqotay 1991 waxay go’aan cad ku gaartay inay somalia danba wax layiraahda aanan wax la qaybsoon doonin ay aayahooda ka tashadaan waxaa laga jogaa mantaa waqtigaa 23 sano somaliland waxay maraysaan heer aay caalamka labaratanto sidaynu ogayna ay lamid noqotay sida kuwa caalamka deeqaha bixiya,
shacabka somaliland waxaay aad u diidan yihin dowladan xamar ee aan qowlka lahayn ee waxa lagu heshiiyo aysan rumayn karin somaliland na ay leedahay walaaladayadu.

madaxda somalilandna waxaan leeyahay war kuwan xamar walaalo ma nihin waxna inagama dhaxeyaan hadii aad leedihin walaalaanu nahayna dee walaaladu way isu tanaasulaane  meel uun tanaasul ka keena.
waxaan kaloo oran laha madaxda u xilsaaran wadahadalka daawada ruwaayada ay sameeyeen jilayaasha caanka ah ee SOORAAN IYO JAWAAN ee ka hadlaysa walaaladayadu.
shacabka somaliland heshiiskan lasoo garay ee ah halagu wareejiyo gacanta somalidana maysan fahmin sida uu wasirkeena sheegay oo oranaysay markii gacanta loo galiyay qaramada midoobay hawada somaliya waxaa inta lasugayay dowlad somalia oo dhalata si gacanta loogu galiyo, maantana waxii la isku oran jiray somalia dowlad qura kama jirtee waxaa ka jira laba dowladood,
wasiirkana waxaan leeyahay somalidee gacanta loo galinayaa ilayn caalamka waxuu qabaa somaliland iyo somalia.
Anigoo ah musharaxa madaxwaynaha mustaqbalka somaliland waxan soo jeedin lahaa wadahadaladu sedex jeer waxaa la isku mari la’ yahay hawadee bal kuwan xamar arinkooda yaynaan ku koobin turkigee bal halka shirarka danbe lagu qabanayo hala badiyo kasoo qaybgalayaalna hala sameyo sida IGAD, MIDOWGA AFRICA,QARAMADA MIDOOBAY.
kolay aniga guul wali laga gaaray ima muuqato wadahadaladan oo dad qowl leh ayaanan iimuuqan oo heshiis lala galo.