Fashilka Xukuumada Ee Nolasha Aasasiga Iyo Qabwaynaanta Xukumada Siilanyo + Qadanwaga Shacabka By Mahamed Jama

Fashilka Xukuumada Ee Nolasha Aasasiga Iyo Qabwaynaanta Xukumada Siilanyo + Qadanwaga Shacabka By Mahamed Jama

vMarka laga hadlaayo fashil ama inaad ku fashilanto wax waajibaadkaagu ahaa ,hadana aanad isu qabin inaad ku fashilantay. Taas oo sababta inay keento dib u dhaca ka balaadhankii hore isla markaasna dhul dhigta dhamaan waxyalihii hankaagu ahaa ,hamigaaguna ahaa inaad qabato ,kana jibayo warkeento.

Dulucda:Hadaynu u nimaadno waxaynu manta il qabatin u eegi doonaa ku fashilka xukuumada siilanyo ka haysta Aasaska nolasha lagama maarmaaneed ee shacabkeeda iyo isla hanwaynida ay isu qaaban inay waxa qabteen iyo ceebaha hoos hadheeyaay Waziirada ugu Tunka iyo Taf tafta roon xukuumadan fashilantay.

Muddo dheer ka dib markii xukuumada uu hogaamiyo oday siilanyo ay si xora u doorteen Bahweynta shacabka reer somalind oo ku tuhmaayaay inuu wadanka ka samayn doono isbedal dhamaystiran oo koobsaday DHamaan DHamaystirka Baahiyaha nolasha Aasaasiga ,taas oo dhamaan loo dheg dhigaayay sida ay ka yeelaan Mr-Siilanyo iyo Golihiisa Waziirada ee lagama maar-maanka inuu soo magacaabo.
Hasa yeeshe hadaynu yar jaleecno hada iyo halkay xaaladu dalbaabiyaayso ,waxaynu ka dheregsanahay ,halka ay marayso xaalada guud ee wadanka haday noqoto qaybaha kala duwan ee aasasiga u aha nolasha ummadeed oo gebi ahaanba ay xukuumadu cidla kaga dhaqaaqday waana kuwan qaar ka mida :Qodobada ay xukumada dhagax dhig beena kag mashquushay

1)Xagga Amaanka 2)Xaga Caafimaadka .

3)Xagga Waxabarashada . 4)Xagga Xoriyada Saxaafada .

5) Xagga Deegaanka 6) Xagga sugitaanka xuduudaha .

7) Xagga Samafalka bini adan nimo 8) ka talaabsiga Dastuurka .

9) Xagga Cabudhitanka Xisbiyada Mucaaradka

10) Xagga xidhiidhka ee habdhaqanka Aduunka iyo dhamaan qodobo kaloo badan oo ay midh midh an u taabandoono .

Hadaynu eegno xaalada guud ee wadanka oo aynu inyar dul mushaaxidoono ,marka laga hadlaayo Amaan maah(Qori iyo Sanaad Rasaaseed oo teet san Xuduudaha iyo Madaxtooyada iyo dhamaan Aqalada Golaha waziirda ,isla markaasna la yidhaah do waxaanu Sugnay xaalada Amniga ee Dalka taas ayay xukuumada itaalka daran ee siilaanyo Faan Golo fadhiisiya ka dhigatay ,oo hadad waraysato waziirada waxay kuugujawaabayaan (Aamaankaan sugnay ) oo hadad waydiiso 10askari ee min 10 Boosh xidhan maxay kuu daba joogaan ? maxay ku jawaabayaan bal ila soo eeg ama badha idinkaa quusane bulshooy.??

Hadaba Amaan :waa kalsooni lagu beerto bulshada wadaniyiinta ee aad hogaanka aad u tahay,Su,aal dhextaala |Aan is waydiino shacaboow miyaad aragteen xukumada oo qabatay gulan wareed lagu dhiiri gelinaayo inay bulshadu ilaaliso Aamanka Dalkooda, Dadkooda? ,bal qof walowba la gaasho maanka +maskaxdaada jawaabtana usoo bandhig bulshada .

Xaqiiqadii hadaynu isha u yar celino faanka xukuumada ee aamankay sheegayaan inay qabteen waxa uu noqday bal ila eega :

a) Digashada shacabka oo guryahooda loogu dhaco 2:00pm -3:00pm lana kala qubo hantidooda -lana xalaashado Haweenkooda/Caruurtooda iyo Hantidooda.

b) In xero ciidan laga dhigto Goobaha Saxaafada Xorta marka la sheego Tuunbooyinka Qarsoon Ee lagu jaqaayo Dhiiga Dheecaanka shacabka iyo hantida Dalka iyo Dadka ‘Diinta .

Markaas shacaboow wixii aynu ka biyo iyo sumuhaaldiidnay ee ay ku madheen

Awoowo yaasheen ,Abayaasheen , kuna aabo waayeen caruur badan ,kuna rajoobeen caruurbadan ,kuna curada waayeen Hooyooyin /Abayaal badan ayaa ay xukuumadani ka dhigatay faan iyo caways lagu nasto-xiliga la meelaynayo hantidiini taas oo aynu mudooyinkii hore diidnay ,waa kaa ,isbedalkii dhawaana aynu kab kabnayna waa sidaa waxaanay xukuumadu wadaa ( meesha ay gacantu marayso Irbad ku day ,haday gashana ,Mudaca ku day ,Haday Gashana Murdiso ku day Haday gashana Muraadkaa qabso ,markaas cida xalka laga doonaayana waa inaga maaha-maah ayaa tidhaahda (Ninkii seexdaa sici dibi dhalay ,waxay ku baxdayna waynu garanaynaa markaas hadaynu seexano soomaliand oo dhan baynu u dhiibnaye .waxaynu soo kicidoonaa soomalind oo dhanbala )

Guntii iyo Gebo gebadii:maxay xukuumadu beri soo wadataa? xaga amaanka iyo cabudhintii weligeedba lagu yaqaanay ayaa waxaa la saa daalinayaa inay ku darto mawduucyadan soo socda :

a) ha hadlin b) Waxa ha sheegin c)Waxa hadooran

d)waxa ha soo jeedin . e)Meherad ha furan f)war ha qorin .

g)Xisbi Mucaarada haw hadlin. H)Hadhoofin ilaa ad wasir soo marto iwm

Xaga cabudhinta wadanku halkaa ayuu marayaa waxaana la inooga baahanyahay in la sameeyo isbedal inta waxa la sheegi karaayana la sheego ,kolayba wadanka mahaystaan cidii aynu dooranay waxaana kaalin tuf tufeed ku leh dad ay ceebohoodu u kacayaan sida mawjadaha bada ,Taasna Talo Taakuleed ayaa la inooga baahanyahay …..lasoco qayaha danbe iyo xoga dhaba oo aynu soo bandhigidoono oo ku saabsan dhanwalba.

Prepared:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao/Somaliland

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com