Fashilka Xukuumada Ee Nolasha Aasasiga iyo Qabwaynaanta xukumada siilanyo+Qadanwaga shacabka.

MAQAAL

Fashilka Xukuumada Ee Nolasha  Aasasiga iyo  Qabwaynaanta xukumada siilanyo+Qadanwaga shacabka.

Marka laga hadlaayo fashil ama inaad ku fashilanto  wax waajibaadkaagu ahaa ,hadana aanad isu qabin inaad ku fashilantay .

Taas oo sababta  inay keento dib u dhaca ka balaadhankii hore isla markaasna dhul dhigta  dhamaan waxyalihii hankaagu ahaa  ,hamigaaguna ahaa inaad qabato ,kana jibayo warkeento.

Dulucda:Hadaynu u nimaadno waxaynu manta  il qabatin  u eegi doonaa ku fashilka xukuumada siilanyo ka haysta  Aasaska nolasha lagama maarmaaneed  ee shacabkeeda  iyo isla hanwaynida  ay isu qaaban  inay waxa  qabteen –iyo ceebaha  hoos hadheeyaay  Waziirada ugu Tunka iyo Taf tafta roon  xukuumadan fashilantay .

o   Muddo dheer ka dib markii xukuumada  uu hogaamiyo oday siilanyo  ay si xora u doorteen Bahweynta shacabka reer somalind  oo ku tuhmaayaay  inuu wadanka ka samayn doono  is bedal  dhamaystiran  oo koobsaday  DHamaan  DHamaystirka  Baahiyaha nolasha  Aasaasiga ,taas oo dhamaan loo dheg dhigaayay sida ay ka yeelaan Mr-Siilanyo  iyo Golihiisa Waziirada ee lagama maar-maanka inuu soo magacaabo.

Hasa yeeshe  hadaynu  yar jaleecno  hada iyo halkay xaaladu dalbaabiyaayso ,waxaynu ka dheregsanahay ,halka ay marayso xaalada guud ee wadanka   haday noqoto qaybaha kala duwan ee aasasiga u aha  nolasha ummadeed oo gebi ahaanba ay xukuumadu cidla kaga dhaqaaqday  waana kuwan qaar ka mida :Qodobada ay xukumada dhagax dhig beena kag mashquushay

 

1)Xagga  Amaanka                                          2)Xaga Caafimaadka .

 

 

3)Xagga Waxabarashada .                             4)Xagga Xoriyada Saxaafada .

 

 

5) Xagga Deegaanka                                      6) Xagga sugitaanka xuduudaha .

 

 

7) Xagga Samafalka bini adan nimo              8) ka talaabsiga  Dastuurka .

 

 

9) Xagga Cabudhitanka Xisbiyada Mucaaradka 

10) Xagga xidhiidhka  ee habdhaqanka Aduunka iyo  dhamaan qodobo kaloo badan  oo ay midh midh an u taabandoono .

 

 

Hadaynu eegno  xaalada guud ee wadanka oo aynu  inyar dul mushaaxidoono ,marka laga hadlaayo  Amaan  maah(Qori  iyo Sanaad Rasaaseed  oo teet san Xuduudaha iyo Madaxtooyada  iyo dhamaan Aqalada Golaha waziirda ,isla markaasna  la yidhaah do  waxaanu  Sugnay xaalada Amniga ee Dalka  taas ayay xukuumada itaalka daran ee siilaanyo  Faan Golo fadhiisiya ka dhigatay ,oo hadad waraysato  waziirada waxay kuugujawaabayaan (Aamaankaan sugnay ) oo hadad waydiiso  10askari ee  min 10 Boosh xidhan  maxay kuu daba joogaan ? maxay ku jawaabayaan  bal ila soo eeg  ama badha idinkaa quusane bulshooy………………….??

ü Hadaba Amaan = waa kalsooni lagu beerto bulshada wadaniyiinta ee aad  hogaanka aad u tahay,Su,aal  dhextaala |Aan is waydiino shacaboow  miyaad aragteen  xukumada oo qabatay gulan –wareed  lagu dhiiri gelinaayo  inay bulshadu  ilaaliso  Aamanka Dalkooda, Dadkooda?  ,bal qof walowba  la gaasho maanka +maskaxdaada  jawaabtana usoo bandhig bulshada .

Xaqiiqadii hadaynu  isha u yar celino faanka xukuumada ee aamankay sheegayaan inay qabteen waxa uu noqday bal ila eega :

a)     Digashada shacabka oo guryahooda loogu dhaco  2:00pm -3:00pm lana kala qubo hantidooda  -lana xalaashado Haweenkooda/Caruurtooda iyo Hantidooda.

b)    In xero ciidan laga dhigto  Goobaha Saxaafada Xorta  ‘’marka la sheego Tuunbooyinka Qarsoon Ee lagu jaqaayo Dhiiga –Dheecaanka  shacabka  iyo hantida Dalka iyo Dadka ‘Diinta .

Markaas  shacaboow  wixii aynu ka biyo  iyo sumuhaaldiidnay  ee ay ku madheen

Awoowo yaasheen ,Abayaasheen , kuna aabo waayeen  caruur badan ,kuna rajoobeen caruurbadan ,kuna curada waayeen Hooyooyin /Abayaal badan  ayaa ay xukuumadani ka dhigatay faan iyo caways lagu nasto-xiliga la meelaynayo hantidiini  taas oo aynu  mudooyinkii hore  diidnay ,waa kaa ,isbedalkii dhawaana aynu kab kabnayna  waa sidaa waxaanay xukuumadu wadaa ( meesha ay gacantu marayso  Irbad ku day ,haday gashana ,Mudaca ku day ,Haday Gashana Murdiso ku day Haday gashana  Muraadkaa qabso ,markaas cida xalka laga doonaayana waa inaga  maaha-maah  ayaa tidhaahda (Ninkii seexdaa sici dibi dhalay ,waxay ku baxdayna waynu garanaynaa ,markaas hadaynu seexano soomaliand  oo dhan baynu u dhiibnaye .waxaynu soo kicidoonaa  soomalind oo dhanbala )

Guntii iyo Gebo gebadii:maxay xukuumadu beri soo wadataa? xaga amaanka –iyo cabudhintii weligeedba lagu yaqaanay ayaa waxaa la          saa daalinayaa inay ku darto mawduucyadan soo socda :

 

a)  ha hadlin                b) Waxa ha sheegin                       c)Waxa hadooran     

 

 

d)waxa ha soo jeedin .   e)Meherad ha furan         f)war ha qorin .

 

 

g)Xisbi Mucaarada haw hadlin. H)Hadhoofin ilaa ad wasir soo marto iwm      

 

 

Xaga cabudhinta wadanku halkaa ayuu marayaa waxaana la inooga baahanyahay in la sameeyo  isbedal  inta waxa la sheegi karaayana la sheego ,kolayba wadanka mahaystaan cidii aynu dooranay waxaana kaalin tuf tufeed ku leh dad ay ceebohoodu  u kacayaan  sida mawjadaha  bada  ,Taasna Talo Taakuleed ayaa la inooga baahanyahay …..lasocoqayaha danbe iyo xoga dhaba oo aynu soo bandhigidoono  oo ku saabsan dhanwalba.

Prepared:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

 

Burao/Somaliland

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com