Jawaab: Ahmed Mohumed oo qorey hadii maanta aynnu Ciro ka yeelo laba xil ByAbdi Mustafe

MAQAAL

1.Ahmed Mohumed oo iminka uun ku baraarugay in A/rahman Ciro laba xil isku hayo waxaan u sheegayaa in aannu jirin sharci u diidayaa haduu jirana aan golayaasha iyo madaxtooyadu toona ka aqbaleen. Hadaba hadaad xidhnaan jirtey ood jail ka soo baxdey horta dadka wareyso mid wax kala og ma tihid e.

2.Ahmed wuxuu kale oo ka sii baqay in hadow hadii la doortana A/rahman Ciro uu xilal badan isku qabsado. Taasina waa mid uu caqligiisa oon ku fileyn ka helay hase ahaate ay uula muuqato in uu Ciro Madaxweyne ha soo socda noqon dono.

3.Arinka canbaareynta ah uu yidhi reer qudha ayuu hogaanka sare ka dhigayna waa been cad oon raad lahayn oo ninkan maqaal ka qorey wax uu kala socdo xisbiga Waddani aanay jirin ba. Ahmed la yaabi maayo oo in uu cilad leeyey wey cadey ama jail ha ka soo baxo ama gas ha cabo e.

4.Waxaan aad uula yaaba sida nin kan oo aad moodo in uu gas cabay ayaa dhowr jeer ku cel celiyey waxaan kula talin lahaa…. Horta adigu isla tali …. teeda kale kumaad tahay aad cid la talisid e. Markaan arko qof qorey waxaan ku talin lahaa markiiba waxaan gartaa in qof kaasi ciyaal yahay isla warbaahinta uun wax ku qor oo aanuu aabihiina talin jirin.

5. Ahmed aan siyaasada kuu jliciyo ee waxaad qortey Waddani waa xisbiga keliya ee Kulmiye la taratami kara…. Hadaba doorashada waxa isku soo hadhaya Waddani iyo Ucid  oo Kulmiye oo shir qabsan kari waayey taratan fiican ma sameyn karo xubnaha Kulmiye na aakhirka waxay u kala jabayaan Waddani iyo UCID in ay taageeraan. Hadaba qoraal danbe ha soo dhigin adoon siyaasada ABC ka aqoon. Ha ka dhicin salaamada qaar lugu sibtaa jire e.

Abdi_Mustafe123@yahoo.com