KALUUMAYSTIHII IYO KALUUNKII

CALI
Nin kaluumayste ah ayaa kaluumaysi tegen , waxa shabakaddii u soo gashay , xabad kaluuna oo aad u qurux badan oo aanu weligii hore u arkin, waabay la hadashay oo waxay ku tidhi : haddii aad biyaha dib iigu celiso , abaal marin wayn ayaan ku siinayaa .. . waxaanan ka warhayaa inaad adiga iyo xaaskaaga iyo inantaadu inaad guri ku wada nooshihiin , laakiin FAKHRI iyo wax la aan wayni idin haysato , waxaanan kuugu balan qaadayaa  ,haddii aad i sii dayso , in DUCADAADA samada ilaahay ka aqbalaayo , adiga iyo xaaskaaga iyo inantaadaba .
Kluumaystihii kaluunkii biyihii ayuu dib ugu celiyey , kabacdina gurigiisii ayuu qabtay isaga oo aad u faraxsan , xaaskiisii iyo inantiisii ayuu arintii uga sheekeeyay , kabacdina maqaaxi guriga u dhaw ayuu iska tegey , halkaasuu koob shaaha dalbaday , , kana fekeray wixii uu codsan lahaa , laakiin xaaskiisii si degdeg ah ayay markiiba u codsatay wixii ugu horeeyay ee ku soo dhacay maankeeda : intay cirka sare u eegtay ayay si farxadleh u tidhi ::illaahayaw iga dhig gabadha dunida u qurux badan . isla markiiba waxay isu bedeshay gabadh aad iyo aad u qurux badan , quruxdeediina  dunida ayaa laga wada maqlay , muddo yar ka bacdi ciidamadii suldaanka ayaa buulkii yaraa yimi , gabadhiina way kaxeeyeen oo suldaankii dumarkiisii ku dareen , ninkii kaluumaystaha ahaa markuu arintii ogaaday aad buu u cadhooday , waxaanu damcay inuu isna codsigiisii sameeyo , oo suldaanka ka aarsado iyo weliba xaaskiisii, inta uu sare u qayliyay ayuu yidhi : illaahayaw xaaskeygii u bedel naagta dunida ugu foosha xun intii dunida dumar soo martay ., oo daayeerad ka dhig .
Xiligaas oo la kulantay xilli uu suldaanku islahaa , bal gabadhan dunida u qurux badan wejigeeda eeg , laakiin naxdin iyo fejiciso ayaa ku dhacday , markuu gabadhan quruxda badan ee wejida daayeerka leh , inta uu sare u qayliyay , ayuu yidhi :waar qofkan iga hor kexeeya , qasrigana ka saara (erya) , iyadii oo cagaha jiidaysa ayaa buulkeedii dib ugu noqotay , markuu ninkeedii arkay , ayuu si ku digasho ah ugu yidhi : way kugu fiican tahay , waanad istaahishaa , iminka cid danbe oo wax kugu falaysaa majirto , oo aan aniga ahayni.
Inantoodii oo aan weli isticmaalin codsigeedii , ayaa markay aragtay wejigii hooyadeed , ayaa iyada oon fekerin intay sare u qaylisay tidhi: illaahayaw hooyaday wejigeedii hore u soo celi .
Hooyadii sideedii hore ee ay u ekayd bay ku soo noqotay .
Sadexdii codsiba sidaa khasaaraha ah ayay u lumeen , waxaana sababay damac gaara – aqoon la aan – wada tashi la’ aan – nafjeclaysi -xaasidnimo -feker la’ aan .
U may dhaqmin sidii qoys quda oo ay dani ka wada dhaxayso , umay fekerin ka faa iidaysta nasiibkan oo danihiina iyo waxa aad u baahantihiin wada hela .
Arintan oo kale waxay dhacdaa , marka qof ama kooxi si gaara ugu adeegato , wixii la wada lahaa , kabacdina lumitaan iyo asqo ayaa ka dhasha oo laga dhaxlaa .
CALI MAXAMED BIIXI               caliwwelli@hotmail.co.uk