Kibirka qoyska Silaanyo iyo guuxa shicibka Somaliland BY Abdi Mustafe

Nin baa laga hayey is ma oga Smith iyo nin kii eyro foofsadey e.
MAQAAL
Silaanyo si badheedha ayuu xukunkii dalka gacanta uuga geliyey qoys kiisa iyo qaraaba diisa….Inta xilal ku maga caaban waxa ka daran inta aan xil heyn ee hadana talada dalka wax laga weydiiyo. Wax yaabaha aad loola yaabay waxa ka mida in dhawaan uu inanka Baashe ( Morgan ) oo gabadh ka qaba Silaanyo uu kaxeystey xeyn wasiiro ah oo uu geeyey magaaladii uu ka soo jeedey war-cimraan oo qarash na la geeyey dhagaxyo badana la soo dhigey. Weynnu wada aragnay sawirka uu morgan dhex fadhiyo madaxda dalka emaaraatka uu ku weheliyo wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi. Waxaynnu maanta u jeed naa in wargeyskii Haatuf al-baabada loo xidhey ka dib markey arimo xasaasi ah ka sheegeen Morgan iyo wasiirka macdanta ee qoriilaha u eeg. Kol hadii caqliga Silaanyo iyo Amina Weris dhaafi waayey yaa wax ka sheegey inanaka inanta naga qaba oo runtii wax aad looga xishooda ah ma waxaynnu fileynaa in wax dhaamaa ka soo baxaan. Silaanyo laba arimood oon is geyin buu jeeb isugu geeyey. Dalka uu ku xukumo ciidan sidii Afweyne iyo Dowlada Federal ka ah uu wax la qeybsado sida 20 ka nin ee Rome tababraka loogu direy ee ka kala socdey Xamar iyo Puntland iyo Somaliland.
Taas oo cadeyn u ah in aynnu nahay maamul goboleed federalka ka mida.
Intaaba waxa ka sii daran xisbigii Kulmiye oo shir weynihii qabsan kari waayey oo isna dhoqso u bur-buraya. Ku dar oo qudbadii 2014 weli muu akhriyin. Weliba socdaal kii dhoola tuska ahaa wax wara kamuu sheegin. Taasi waxay cadeyneysaa in aan Silaanyo qudbad akhriyi karin. Isku soo xoori oo mudo yar baa u hadhey xukun qar-qooshakan silaanyo ee yaan vote danbe la siin sidan Somaliland laguma maamuli karo e.
abdi_mustafe123@yahoo.com