KU QUUSO QUDHAANJO BY FAISAL FARFIDIYE

Faysal
Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhrista yaasha sharafta leh waxaanaan ku salaamayaa salaanta islaamka ee ASALAMU CALAYKUM, waxaan salaanta mid la mid ah hawada u marinayaa bahwaynta reer waddani debad iyo gudeba, waxaan kale si aad iyo aad ah ugu mahadcelinayaa bahwaynta reer waddani ee dalalka khalijka carabta sidii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen  weftigii balaadhnayd ee uu gudoomiye Cabdiraxmaan hogaaminayay taas oo uu gudoomiyihuu si aad iyo aad ah uga mahadsheegta markii aannu si gaar ah ugu kulanay magaalada Birmingham ee carigan ingiriska  oo uu sheegay inay si wayn u farax gelisay uun si wayn ugu mahad naqayo waddaniga dhabta ah ee reer khalijka.

 
Waxaan si mug leh ugu mahad naqayaa aniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga Waddani  dhalinyaradda reer Sheffield ee isku duba riday guushii halkaas ka dhacday maalintii dhawayto oo ah mid lama ilaawan ahayd taarikhdana geli doonta, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa Xafiiska Xisbiga waddani ee Sheffield oo isagu laf dhabraka arintaas ahaa taas oo ah siyaasada xisbiga inuu buuxiyo hawlaha ay xukumadeenu dayacday.
 
Waxaan kale  oo aan u mahad naqayaa Wasiiradii ka soo hangalaystay Austarilia ee ku socday TOLAY OO AABAHAY GOBLAN MA WADDANI BAA HALKAA KA HILNAACAY, waxaannaan  leeyahay ka soo qaybgelkiinu waa talaabo dhinacii saxda ahayd  loo qaaday ninkii jirayna wuxuu yidhi FULOW GUULI KU DHAWAYDAA, iyada oo qadarkii xaflada loogu tala galayna wax laga saarayay.
 
Waxaan maqlayay warbaahinta xukumadu gacanta ku hayso oo fas ka dhigatay Gudoomiye Cabdiraxmaan kamu soo qaybgelin.
Waxaa guul wayn ah in warbaahinta xukumadu gacanta ku hayso laga sheego Gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan oo soo hadal qaadkiisu denbi ahaa, qoolooyinkaana waxaan jecelahay inaan xusuusiyo socdaalkii hore ee mashruuci Caanaha riyaha ka horeeyay kulamada uu  Gudoomiye Cabdirxmaan  sameeyay.
1. Waxa uu la kulmay Xubno ka tirsan Barlmaanka dalka Finland
2. Gudoomiyaha Barlamaanka Dalka Finland
3.Xubno ka tirsan Barlmaanka Dalka Swedan
4. Gudoomiyaha Barlamaanka dalka Swedan
5.Xubno ka tirsan Barlamaanka Dalka Norway
6. Xubno ka tirsan Barlamaanka Boqortooyada Ingriiska
7. Xubno ka tirsan Barlamaanka Bogortooyada Jordan
8.Gudoomiyaha Barlamaanka Boqortooyada Jordan
Intaas oo dhan gudoomiyuhu wax uu kala hadalayay ictiraafka iyo qadiyada Somaliland 
 
Bal hadda wax yar aan  jaleeco kulamaddi Xukumadeena dhaqaalaha iyo dilaalista ku gaalabixisay 
1 Shiikh Shariif
2. Xasan Culusow
3. Shirkaddaha Bitroolka baadha ee Ingiriiska, Maraykanka,Norway, Turkiga iyo Istareeliya.
4. Shirkadah Dhuxusha qoda ee China iyo Africanka ah
5.Shirkada Sibidhka ee Jarmalka
6.Shirkadda dekadaha ee Dubia iyo France
Shirkadahaas iyo qolooyinkaas oo dhan waxaa laga hadalay sidii looga iibin lahaa ama arimo dilaalis ah labada madaxwayne ee Soomalia ana waxaa laga la hadalay sidii dhaqaalaha loola qaybsan lahaa.
Markaa akhristow  waxaa jirtay maah maah odhanaysay NINKA AQALKIISU QURUD YAHAYOW AQALADA KALE HA TUURTUURIN, waynu garan karnaa cida daacad ka qadiyada Somaliland markaad eegto labada shaxood.
 
Haddii aan u soo dego maqaalkaygan ku quuso qudhaanjo qaybtiisa labaad oo ah arinta Wargeyska Haatuf ee cidanku la wareegay waa mid aan ka Xisbi ahaan aad iyo aad u canbaaraynaynaa oo aan ka xunahay.
Xukumadda silaanyo waa midhihii wargayska Haatuf ay beertay, markaa mar haddii aaynu aragno halka maanta Haatuf lala maray oo aynu ogayn halganka ay la soo gashay xukumada kulmiye nin kastow candhuufdaada dib u liq, wasirka Warfaafinta ayaa wax uu yidhi sidaas baa weliba uu Madaxwaynuhu ku ixtiraamaya saxaafada isaga oo xusuusan halgankii ay la soo galeen inaka oo og intii Somaliland Jirtay iyo intii Xukumadani jirtay in dhibaatada saxaafada gaadhay ay badantahay inta xukumadani jirtay taas oo aan la yaabay hadalkaas wasirka oo aan iswaydiiyay tolow ma maca caruurta ay saxafiyintu dhaleen bay xidh-xidhi lahaayeen ilayn waxay xukumadu saxaafada ula hadhay ma jirto.
Waxaan xusssuta ODAY JIILAAL BIYO DHAAMIS AH  JOOGA OO XAALADDU AY DHAHARATAY BA ISAGA OO XAGGA IYO MAGAALADII BIYO U DOONAYA BAY ISLAANTII U QABAY OO ARAD IYO DAYAC BADANI KA MUUQDO BAA KU TIDHI EE GANBADII AAN MADAXA KU XIDHAYNAYAY BAA IGA DHAMAATAY EE MID II SOO IIBI INTUU HADALKAAS AAD IYO AAD UGA XUMAADAY BUU UGU JAWAABAY ILAAHAY IYO TII XILOOD HADDII AAN DARRUURTAASI DIIN WAABA LAGAA XIRAYAA GABO DAAYEE.
 
Wasirka Arimaha gudah ayaa isna ka dhawaajiyay in wargayska Haatuf uu sharciga jebiyay oo uu Wasiro wax ka sheegay.
Waxaynu taageersnahay dhamaanteen sharcigeenanna ku taala cidii sharciga jebisa in tallabo laga qaado,laakin waxaa is waydin mudan in gormaa la ogan karaa in sharciga la jebiyay, wax uu sharcigeennu qorayaa mudane wasir in marka hore eedaysanaha denbiga lagu soo oogo kabacdina maxkamda la hor geeyo oo uu eedaysanahuna is difaaco marka ay ku cadaato inuu yahay denbile lagu qaado denbigiisi
Sharcigeenu meelna kagama taalo haddi uu uu qofku soo qaado wasir iyo madxatooyada in guuto caga mado ah oo RRU ah la geliyo oo danbaska lag dhigo
Mudane wasir waxaan adiga iyo madaxtooyadaba ku waydinayaa Sharcigu miyaannu qabanin Wasiradda iyo inta Madaxtooyada ka ag dhawtoona tusaale
Wasirka macdanta ee maalin walba shirkad heshiis la gelaya ee aan cidna ka war qabin ee diiday inuu heshiisyadaas Barlamaankeena hor geeyo
 
La soco maqaalka wax qabadka xukumadda ee beryahan danbe ina wareeriyay
 
ALLA MAD LEH
 
Faisal Farafidiye
 
Waddaniga dhabtah Â