Kulmiye Wuu Karayaa Kawaan Kuu Tagayaa Kabna Wuu Lulayaaye Beri Kaar Hadareemin

Jawaab: Cabdilaahi Xasan Mataan
Jawaab: Cabdilaahi Xasan Mataan

Sidaynu ka warqabno shirwaynaha  Kulmiye mudaba lix jeer oo hore ayuu dib u dhacay,maantana war jiraaba cakaaruu iman,balse halkudhigeena sanadkan ama 28-04-14 wuxuu noqonayaa”Kulmiye wuu tagayaaye kuseexoo ku soo toos”Imaka iyo haatana aan idiin kala baxo”geeraarkii  la magacbaxay (Kawaanka Kumiye).

Kulmiye wuu karayaa
Kawaan kuu tagayaa
Kabna wuu lulayaa
Kabna waabu sitaaye
Hayna dhaafo kulaylku
Ha kaalmeeyo digtoorku
Hawgu deeqo kiniinka
Ha kash kaasho sariirta
Koobiyaay ha yidhaahdo
Ina kaahin cadoow
Kaftan maaha midkaasi
Kaliishaa ina haysa
Waxa keenay hadeer
&&
Kufsigaa dalka yaala
Agoontaa la Kadeeday
Runtii oo la karhaayo

Alla kaahu cadaa
Kuwii kiishkiyo jeebka
Doolarkuun ku guraayey
Sow kuwaa isku kadeedan
Midba kii kale eeday
Kalamaan kala kaan
&&
Talow yaa kala riixi
Kalasaari tomorrow!

Allaa Mahadle
Togdheer2000@hotmail.com
Abdilahi Hassan Mataan