KULMIYE WUXUU ISKU SIFEEYAY: XISBI REER SHEEKH ISAXAAQ!!

KULMIYE WUXUU ISKU SIFEEYAY: XISBI REER SHEEKH ISAXAAQ!!

SANWAA-CUMAR-YARE-150x150SALAAN AAD U QIIMO BADAN AYAAN HAWADA U MARINAYAA DHAMAAN REER SOMALILAND. Inyaroo hor-dhaca aan idiintaabto: Nin odaya oonu saaxbiin nahay oo kamida Rukumada kulmiye ayaa xalay ilasoo hadlay wuxuu igu yidhi waaryee Sanwaa: ‘’Baddii aad sheegaysay eed alahyd waar may ahayn inaydin qabiilo kusoo dhigtaan jaraa’idka sababtoo ah hadii wax qaloocdaan way waynaanaysaa beeshaasi jaraa’idka ayay ka hadlaysaa’’ ayaanu galnay oo Beelihii madaxay iskula jiraan! Intan waxaan ugu talo galay ninkaa aanu saaxiibka nahay inuu akhristo.

Hadaba, waligeed arinkasta oo lagu guulaysto waxa ka hawl-galay cid aqoon u lahayd marka horeba. Waxa jirtay liis ay sameeyeen Ilma-Iswanaaje (DIR KULMIYE) oo ay lahaayeen waa Ergooyinka Beelaha ee ka qayb galaysa shirwaynaha kulmiye. Ilayn garanmaayeene, waxaan aad ula yaabay nidaamkan halka ay ka keeneen iyo sida ay u dhigeen. Sababtoo ah, dee khabiiraanu nahay dalka aan meelna uga bixine, liiskan beelaha ee ay Jaraa’idka kusoo dhigeen waxa inoogu dambaysay Ergooyinkii Shirkii May 1991 lagu qabtay Burco ee lagu aasaasay ama lagu unkay Jamhuriyada Somaliland.

May ahayn maantoo kale inay tan (Ergooyin Qabiil Jaraa’id lagu xayaysiiyo) sameeyaan taasi waa mid. Ta labaad waxay tahay, hadiiba ay ku dhiiradeen inay Ergo Qabiilo soo dhigaan siday ku dhacday Beelo dhan oo dhulka leh in ay yidhaahdaan yaanay soo galin shirkyare !!!

waan filaayay in Fooshii raagtayee Kulmiye Foolxumo dihanayso! Shirwayne kulmiye oo in badan la sugayay ayaa saaka ka furmay caasimada. Hadaba shirwaynahani wuxuu noqday mid ku fashilmay inuu wada raaligaliyo dhamaan beelaha Somaliland oo isku si iyo isku saami uga soo qaybgala shirkan, sidii lagu yiqiin ee looga soo joogay Shirwaynayaashii Axsaabta Qaran ee ay soo qabsanayeen Axsaabta Qaranka Somaliland laga soo bilaabo 2002-dii oo ah xiligii aynu kasoo bilawnay doorashooyinka Dimoqraadiga iyo nidaamka Axsaabta Badan.

Waxa dadbadani la yaabanyay: Hadii beelihii miisaanka lahaa (Sida Samaroon iyo Ciise) Xisbi-Xaakimkii garab maray Milgihii iyo Sharaftii Dalkooda ay ku lahaayeen, miyaanay haboonayn in Madax-dhaqameedka Isaaq ka hadlaan xaajadan Guracan !!!? Waar miyaanay ahayn in Xaal fagaare la siiyo dadka Somaliland ay ku tahay Somaliland ee inala leh wadanka mise xaalku waa: Somaliland beel sukke ah ayaa degta oo la yidhaa Reer Sheekh Isaxaaq!!? Mise waa Laamibaa Dila laga saarayoo Boorame Cadhoonmayso! Xaalku waa sidee!

Eeg xitaa hadii la yidhaa qaar ka mida beelaha isaaq ayaa loo diiday shirkan ama Kaadhadhkoodii waa la waayay, adeer dadku Caqli iyo Cilmiba way leeyihiin oo lalama simi karo Meel-kadhaca lagula kacay Beelahan Kale.

Taas halkaa aan ku dhaafee, waxaan garanwaayay oo runtii aan isu keeni kari waayay Horumarkan Madaxwaynuu ka sheegay shirka kulmiye iyo soo hadal-qaad la’aanta Jeelkii Waynaa ee Dalka ee aayar lagu sadqeeyay Nafaha bini’aadmi Amni-daradiisa !!!

Waxaan dadwayne idin xasuusiin lahaa: Barigii hore Kulmiye Roobdoontii uu hor kacayay waatii ilaahay ka aqbali wayaye, maxay maantana inoogu akhriyeen roobdoonta ilayn waataasoo Cirkii Jimcihii inoo hooray, lawaa meel dambe oo uu hayee !!!

Gunaanadkaygu wuxuu yahay: Waar nimanyaw maanta ayaynu ugu mustaqbal liidanaa, oo waydin aragtaan in wasiir ina odhanayo lacag baan reer shefeild siiyay hadana uu leeyay maansiin, jeelasha aduunku u yaqaan hadii la jabiyo inaan amni jirinba, inaga waataas laga dhigayo in Kaaryoon laysku dilay, waataas Cali Khaliif somaliya magaceedii kula shirayo reer Taleex, waa taas shiryarihii kulmiye Isaaq kaliya laga dhigay ee Somaliland-nimadii la sii baabi’inayo – Talaabooyinkan Qaran-dumiska ah oo dhan waxay Ilma-Iswanaaje iyo Siilaanyahoodu u yaqaaniiin: Horumar lagu talaabsaday laakiin shacbigu wuxuu u haystaa Amakaag, Af-kala qaad, Aqoondaro iyo Ayaandaro. Waxyaabaha uu M/Waynuhu ku faanayo oo dhan waynoo qorshaysan yihiin sidii aanu u beenin lahayn oo waxa noo kayd-san Buugooduu aan u bixiyay Balamaha Jano Aduun ee ay ku balanqaadeen inay fulinayaan. Niman badan oo UDUB tayadii ahayd way iska saamaxeen kulmiye laakiin anigiyo rag aan ogay af-xumadii ay kursiga ku fuuleena odhan mayno laakiin waxba u reebi mayno!

SALAAMU CALAYKUM.

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.

SANWAA CUMAR YARE

E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com