LUGHAYA: DIBUDEJINTA MA LAGA GAADHSIINAYAA DOORASHADA? WQ HARED ODAH

LUGHAYA: DIBUDEJINTA MA LAGA GAADHSIINAYAA DOORASHADA?

WQ HARED ODAH

maqaal 

Dhagaxdhiggii LUGHAYA, Siilaanyo sabaalayn ololo doorasho ayey ka ahayd. Ninkii taas u rixinayaa, isaga iyo yeelkiis e, Ciisahana tolow ma dibudejintaa lagu seexinayaa?

Maqlay barakacayaashii ayaa loo diiday inay suuliyaal qotaan. Maqlay Wasiirkeenaa ka ergeeyey.Maqlay xafiis baa Saylac dibudejinta looga dhagaxdhigay. Mase maqal LUGHAYAA xeryo looga diraaciyey qaxootiga la soo celin doono. Ma maqal, taambuugyo kol ay ku tahay, LUGHYAA hoyyo looga diyaarshay! Arkayse,,labada Wasiir ee CASOOD iyo GARAAD oo dibudejinta dhul uga ansixinayeen odayada degaaankaas.

LUGHAYA qabyo waa halkeedii. Sannad baana ka soo wareegay doorashadii degaanka, Dhaca guud ka sokow, runtii barbarkay ka baxday LUGHAYA ayey ahayd. Dibudejintaana, dawo noqon lahayd. Waa haddiise laga gaadhsiiyaa!

Waxaa taas ka sii daran, doorashadii Baarlamaankana sannad baa innaga xiga. Xeerkii doorashad waa heer gobol. Waa kii Ciisaha hore loogu dhacay. Siilaanyana diid inuu dikreeto ku beddelo oo xeerkii Ina Rayaaleh Ciisaha ku miidhay dib ugu celiyo HEER DEGMO siduu INGIRIISKU kaga tegay LIXDANKII! Awdal oo dhan marka la isku duubo, ee doorasho weli heer gobol tahay, Ciise waa laga tiro badan yahay. Dibudejin haddaan laga gaadhsiinna, 5ta kursi ee Ciise Baarlamaan XAQQA u leeyahay, waa sacabkaas ka soo leef!

Kala-qoqobkii degaanka Beesha Ciise, ee Ina Rayaale ku miidhay, weli waa halkiisii. LUGHAYA weli waa siduu Ina Rayaale ka dhigay. Boorama ayey weli hoos timaadaa. Siilaanyana diid inuu dikriito ugu celiyo sidii LIXDANKII INGIRIIS kaga tagay, ee xataa SIYAAD BARRE kaga tegay, degaanka Beesha Ciisaha oo dhammaan SAYLAC wada hoos iman jiray.

Shantaas kursi waxay eersadaan baar-u-fidhista codraadiska Xisbiyada Hargeysa iyo xadhigga GARANWAAGA Jabuuti ka guntan. Waxayse wadhi ka joogtaa: Dibudejintii Ciisaha dhanka Somaliland iyo dhanka Jabuutiba reer Lughaya ka masuul ah! Haddii doorashada 2015ka laga gaadhsiin waayo, YAAN eersan doonaa?

Waa halkii Mucallimuu GAARIYEE, “Dun baa meel ka xidhan weli!” Sabaalaynta waxaa igaga daran, jawaabta cabashadeenna berrito ayaan arkayaa! Sow noqotee tii INA FEYTIN ka celiyey go’aha-noo-doorshadii Qammaan ee ahayd: “Nin gammaan yaqaanaa, fardaha waa gaasa bixiyaaye; Maxaad nagu galaysaa haddaad fuuli garan weyday!”