MA SAMO FALBAA , MISE SAYMOFAL SIYAASADYSAN..?

MAQAAL

Waa Maxay Daloonbigu Codka Lays Dalbanayee?
C/XAKIIM AXMED CALI ( Qalinmaal)
Hay’adaha lagu magacaabo kuwa an dawliga ahayn samafalka (NGO), waa kuwo ka madax banaan siyaasada , oo hawshoodu ku eegtahay inay samafalka Aadamiga. Madaama ay siyaasadda dadku ku kala aragti duwan yihiin uguna qaybsan yihiin xisibiyo iyo ururo ama kooxo ay bulshadu ansixiso ka mid noqoshada miidanka siyaasadeed ee dalka.
Hawlaha NGO-yadu ay ka wada dunida dafaheeda ayay si cad ugu qeexaan ujeedooyinkooda in aanay shaqo ku lahayn wax siyaasad ah (nonpolitical).
Xukuumaduhuna sharciyadda hwlgalkooda si fudud ayay siiyaan mar hadaanay siyaasad shaqo ku lahayn, oo waxtar mooyee aanay waxyeelo lahayn. Waxayna u fududaysa helida miisaaniyadda mashaariicda dalka la siinaayo.
Haddii koox NGO-da ka mid ahi ay siyaasadda faraha la gasho waxa soo baxaysa in bulshada qayb ka mid ahi shaki ka galo sida ay cadaalad u noqonyaso hwlaha samafal ee ay bulshada u wda. Iyadoo ay dhici karto in Xukuumadduna kala noqoto sharciyadda Hay’ada samafal ahaan, Haddii ay ku qanci weydo in mashaariicada la siinayo ay ku fulinayso arrimaha smafalka.
Sida awgeedna waxa buraya sharciyadda asaaskood oo ah in aanay siyaasadda marna shaqo ku lahayn… dastuurka Somaliland siyaasadda waxay gaar u ah xisbiyada iyo golayaasha sharciga ah…
Waxa jirta su’aal in badan la is waydiiyo oo ah NGO-du ma waxay leeyihiin ujeedo qarsoon oo ka damabaysa samafalka?…. Dunida meel kasta waa la iska waydiiya….? Haddana wax cad laguma arko.. Waxa haddaba yaab noqotay labadan NGO ee dalkeena ka dhisan ODHA IYO SOLRADO.. ma xisbiyaa.. ma samafalbaa…ma saymfalbaa..?! Si cad ayay u sheegteen labadoodii gudoomiye inay qabanayaan shir la mid ahi kii Beelaha SL 1993-kii oo siyaasi ah. Waxa halkaasi laga malaysan karaa in mashruuca shirka ay iyagu soo qaateen , ka dibna labadooda xisbi ay ka wada faa’idaystaan, siyaasi ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Waxay faraha kula jiraan wax ka baxsan shaqadooda oo aan looga baran NGO-da , haddaana maanta waxa laga qabana dhamaan NGO-da kale waxay raadsan doonaan mashruuc siyaasi oo si dhib yar ay ku soo helaan iskuna dayaan in Seminaro iyo workshop qaranimada taabanaya dalka ku qabtaan..
Talada wanaagsan iyo ujeedada cad ayaa qofku ku meel mara, haddii kale wuxu noqonayaa qof isla saxan oo wakhti kasta isu haysta kii ka dhaqaaqayay “ laguma dhaamee dhaqaaq”. Dhaqaaqu wuxu u baahan yahay tilmaan iyo dabar, kaasi oo markasta ah kan ay bulshooyinku u samaystaan maamulka kala haga, ka toosan taageera, kan qaldana qabta.
Xukuumaduhu waxay bulshada ku ilaalisaa sharciga iyo qaynuunka Ummadda ka dhexeeya..

Kan cagta laga gujiyay afkana laga beelyay ee kolba dhinac u ordaya aan la fahmi karin ujeedadiisa ayaa ah kan u baahan silsilad iyo dabar sharci.

Gashaanti habeenkaasi uun aroos ahayd ayaa dhalinyaradii ka ciyaaraysay banaanka arooskeeda oo qaadaya “ arrokseena amin”… Oo isla helay jaantii iyo jiiftii… sacabkii iyo mashxaradiina isku darmeen jiibtiina isla helay ..is hayn kari weyday oo Ciyaartii daf soo tidhi , marakaasay islaba rogatay oo ku ciyaartay … sida.. sida..sida..
Dadkii oo dhan aya yaabay …. Lana fahmi waa sida.. sida.. sida..!
Waa kii abwaanku yidhi :

“Sida, sida” markay tidhi
Dadku ‘sida’ is weydii
Oo saa u wada dhawr
Sakatiga la yaabyaab
Afka gacan la saarsaar
Lana yidhi saluuggii
”Siddidaada mooyee
Dhul-dhacaaga maad sugi”!

Bulshadu way isla heshay jantii iyo jiibtii horumarka iyo nabadda… Kuwan inaga dhex kacay waa sida aroosadan…. Ya fahmi kara samafal isu rogay saymafal siyaasi ah… waxay ka muraaqoodeen dawladanimada hirgashay ee socotay waaba aroosadan.
Mar waxay leeyihiin Shir qaran… Dood qaran… Habeen kasta dood waa la qabtaa maxaa looga baahan yahay… waxay dedayaan weyna oo sirta ku jirtaana dheera… waa halkii Hadrwaari yidhi:

Waa Maxay Daloonbigu
Codka Lays Dalbanayee
Duur-Xul Laysku Leeyahay
NGO-dani waxay dhabarka u riteen hawshii dawladda intay soo dhaafeen toodii, maaha samafal waa saymofal siyaasi ah oo halkii waxtar laga sugi laha , halis iyo kala qaybin bulsho wada, wixii xeer iyo sharci aan wafaqsanayn maaha in la iska daawado, ee waa in Ururkii, Xisbigii iyo ferdigiiba gacanta laga qabto laguna saxo sharciga.

WAA BILAHI TAWFIQ