Maanso (Aayaha) Waxa Ay Guubaabo u Tahay Dhismaha Lughaya

hMarka hore salaantii muslimka kaliya uu geyo u mudnayd salaamaha ”Asalaamu Calaykum”
Marka xiga waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan hawl wadeenada Cadceed iyo akhristayaasha ku xidhan.
Maansadan Magaceedu waa Aayaha waxa ayna dhiiri gelin iyo baraarujin ku aadan tahay dhismaha dekeda lughaya oo uu abaabulkeedu socdo, waxa ayna maansadu tidhi sidan:

Alif shaqalo maanseed
Bal aan seeto ugu xidho
Aarka madaxiisa
Indhawayd ma eegine
Aan u huro murtuda
Abaabul docdayda yaal
Alalaasku waa dumar
Aamiintana ragaa yidhi
Araar iyo bilowgeed
Aan intaa ekaysiiyo
*******************
Inkastoo dadkeenii
Midiba daan aaday
Inkastoo dhulkeenii
Mabda uuna wada deeqin
Ma ilaawin tii guud
Oo waan duceeyaaye
Ifka waxaan ku joogaa
Dadkana aan u sheegaa
Qof Islaama inaan ahay
Saylac waa awoowgay
Jabuutina adeerkay
Ehelkay itoobiya
Awdal buu dagaayoo
Ama igu nac
Ama igu jeclow
Haybtayda waan ahay
*****************
Muday ilaheena
Dhaqaale awdnaa
Muduu arligeenu
Adeeg ka xidhnaa
Mudaan islahaa
Hadmaa aqalkaaga
Tabtii adal saylac
Alaab ka timaada
Aduunyada oodhan
Kasoo dajin awdal
Intaad hamidaase
Dadaal unkamaa
Intaad bixisaad
Dib aad u heshaaye
Intaad safar dheer
Soo iibso u aadi
Aan dhisno lughayoo
Aayahaynu maaliye
*******************
Hadaynu isku duubni
Ilaah baryadiisa
Gacmaha isa saarno
Ardana u adeegno
Rabigeen aqbalkiisa
Bilaynu ku oodi
Dekedaa iyo dheeri
Adoonan bakhaylin
Adoonan il duufin
Adoon ku ekaynin
Maantiyo ehelkaaga
Arsaaqda aad hayso
Ubadka beriyeed
U dhisa lughayoo
Aayahood ka caawiya
*******************
Inagaa ku caanoo
Kowdaba iskaa
U qabsada bilownaye
Riyaan arkayaa
Anoo dalagayga
U dhoofsha aduunka
Riyaan arkayaa
Anoo harawiyo
Ilaa badhtankaa
Qaaradaa afrikeed
U geeya adeega
U dhiiba Arda oo
Kaashada aqoontiin
Idinkiyo itaalkiin
I dhisay lughaya tidhi
Aayahaad i maaliye

Muxammad Siciid Cilmi (Muude)
muude.m@gmail.com