Madaxtooyadii Somaliland oo ku Dhow Guri Boqortooyo oo xigto lagu xanaaneeyo.

Madaxtooyadii Somaliland oo ku Dhow Guri Boqortooyo oo xigto lagu xanaaneeyo.

unnamedAslaamu calaykum

Marka hore waxaan halkan salaan uga dirayaa dhamaan bulshada somaliland guddo iyo dibbedba, iyo dhamaan warbaahinta madaxa banaan intaba.

Haddba, sida qoraalka ciwaanka ka muuqata madaxtooyada Somaliland waa astaan ka mid ah astaamaha qaranka somaliland leeyahay ee xabagta u ah bulshada somaliland, waxayna  hoy iyo xafiis shaqo u tahay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee si xor iyo xalaal ah loo soo doortay. Waa goob u baahan in milgaheeda iyo karamadeeda ay ilaaliyaan bulshada somaliland guud ahaan lana sugo daryeelkeeda iyo amnigeedba. sida si la mid ah waxa la gudboon madaxtooyada Somaliland in ay ilaaliso ku dhaqanka sharciga iyo madaxbanaanida xoriyada aasaasiga ah ee bulshada somaliland, sidoo kale madaxtooyada somaliland waxa saaran waajib ah in ayna bulshada u horseedin ficilo xun xun oo horseedi kara kala tafaraaruq, eex, ku tagrifal awoodeed dawladeed, dhiirigelin musuqmaasuq iwm.

Haddba, Tan iyo intii xukunka loo doortay madaxweyne siilaanyo, waxay xarunta madaxtooyada somaliland gabood u noqotay qaraabada madaxweynaha iyo xigtadiisa, waxayna hoy u tahay dadka u ehelka ah madaxweynaha sida kuwo la xidid ah iyo kuwo xigaalaba intaba, waxayna qaaday wadadii guryaha dalalka boqortooyooyinka ay ka jiraan oo ay wada degan yihiin guriga boqortooyada, boqorkii, boqoraradii, wiilkii dhaxalka lahaa , wiilkii inanta boqorka qabay IWM.Waxaana inta badan lagu yaqaan guryaha sida boqortooyinka u degan yihiin qurxin joogta ah, dhirayn joogta ah, guwaadhi gaashaman, ilaalo xad dhaaf ah, guulwadayaal tiro beelay oo dhex tuban, heeso loo sameeyo , boodhadh sawirada madaxweynaha oo hareerihiisa lagu dhejiyo iyo wadooyinka soo gala guriga boqortooyada oo inta badan la xidho xiliga oo sii dhoofayo iyo xiliga uu soo degayoba.

Akhristow ma la odhan karaa madaxtooyadeenii uu galay madaxweyne cod dadweyne lagu doortay waxay cagta saartay inay guri boqortooyo isu caleemo saarto xiliga dhow, adiga oo arkaaya sida maalaayinka lacagta cashuurta somaliland ee danyarta laga guro loogu kharash gareynayo habeen iyo maalinba qurixinteeda, halka hargeisa ay biyihii iyo laydhkiiba hawada ka baxeen oo engines kii warshada laydhka guux iyo gariir midna laga waayay. sidoo kale waxa baylah ah cusbitaaladii wadanka, kuwii dhimirka, iyo guud ahaanba adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshada Somaliland xili madaxtooyadii ay u gacan gashay qaraabo aan dal iyo dad midna u tudhaynin.

Ugu danbeyntii, waxa la gudboon inay dareenkooda wadanimo ay muujiyaan shacabka xalaasha ah ee diidan in taladii ummadu lahayd ay kooxdan casaabada ah ee xaruntii madaxtooyada karaamadii ka qaaday ee habeenba qof xidhanaysa, saxaafad xidhanaysa, ee ciidanka RRU u sameystay si ay u minjo xaabiso xoriyaadka asaasiga ah ee dastuurka somaliland bulshada somaliland u damaanad qaaday.

Saeed A Dualeh
UK