MALAYSIA.Tix gabaya oo aan kaga waraysanayo Abwaan SaaleA aw Muuse diyaaradii la waayay… Malaysia salaan iiga gee, samirna waa guuldhe‏

MALAYSIA.Tix gabaya oo aan kaga waraysanayo

Abwaan saaleh aw muuse diyaaradii la waayay…

Malaysia salaan iiga gee, samirna waa guuldhe‏

 cabdiweli

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah iyo dhamaan shacabka sharafta iyo qaaya leh.

Waxaan idin ku soo dhawaynayaa tix gabaya oo aan filayo inaa aad uga helidoontaan,waxaanaan ku hal qabsanayaa Abwaan saalax aw muuse Xasan, oo degan ama ku sugan hada dalka shiinahaleeyahayna bal ka soo waran diyaaradaa la waayay iyo meeshay ku dambaysay. kuna soo dhawaada tixdii Malaysiya




Saalehoow beryahan maan akhriyin sadaradaadiiye

Suugaanti maan arag mudaba wada sargoonayde


Mid waliba markuu sooritaad ……xidhatay seeriye


Kolay kamaad salguurine hadaad tirin sarbeebtiiye 


Saatir kaan abwaan kuu baryee samo ku noolawe


Safarada adaa badi ku maray ……..soona-haa bariye

Adaa sahami-yoo tegay ilaa ….suurka shiinaha e


Adigaa sanado joogay oo………sugay af koodiiye


Adigaa safiirkii ahoon………..khabar ku seegayne 

Sooyaalka taariikhda iyo  ……..soodir waxa taagan 


Shiinaha su’aalahan su’aal, ….saxa ha sheegaane 


Bal diyaaradii socotay ee …..samada duulaysay  


Laba saac markay sii maqnayd, sawdba lagawaaye


Ma hawada saraa qaaday oo sooba celin wayday


Mise sadax(1) hoosee baddaa buuri sare fuushay 


Masunaabi qaaday oo ……..samowa dhaafsiiyay?
Mamaraykankaa saaray qalab suurshay arageeda

Satelliteki shiinaha miyaa …….suuqi laga saaray?(2)

Submarine-dii-sii miyaa ………surinki loo diiday?(3)


Ma signaala dii baa la jaray… wada sinqaabaayay?


Tolow saymahaa dhacay xagee sibirta loo saaray?

 

Sababtii miyaan weli la helin …..sidani waayaabe?


Subxaankaa yaqaan meelay taal sararo weyntiiye


Malaysia salaan iiga gee ……..samirna waa guuldhe
Sacabada Ilaah hoos dhigtoo, suga salaadaadhe

Soona tebi wixii warar ahiyo suure waxaad haysid

Waabilaahi toawfiiq
By Cabdiwelli Cabdillaahi Yalas.