(MAXAA BISTII MAXAA QABSADAY) (GUULAHA SHACABKA SOMALILAND IYO XUMAN LA JACAYLKA BBC DALKA SOMALILAND)

(MAXAA BISTII MAXAA QABSADAY)
(GUULAHA SHACABKA SOMALILAND IYO XUMAN LA JACAYLKA  BBC DALKA SOMALILAND)

waxaynu ogsoonahay fashilkii ku dhacay maxabistii damacday inay kabaxsato xabsiga dhexe hargeisa maxabistaas oo ah kuwa aanan aqoon u lahayn shacabka jamhuuriyada somaliland, shacabkaas  dhamaantood waxay heegan ugu jiraan cadow kasto oo damca inuu sharafta iyo karaamada uu dalkan leeyahay isku daya inuu waxyeelo gaarsiiyo siday uga hortagi lahayeen.
shacabkan waa shacab gulaysta marwalba una taagan difaaca diintisa iyo dalkisa,

BBC da oo ah mid u taagan marwalba inay gudbiso ficil walba oo wiiqaya sumcada ay ku leedahay caalamka jamhuuriyada somaliland kana aamusta guulaha ay gaarto jamhuuriyada somaliland jaclaysatana inay marwalba sidayso waxii kusaabsan koonfur isu ekaysiisana mid dhex ka ah inta afsomaliga ku hadasho.

waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qarabadii uu kabaxay askarigii gudanayay hawshisa qaran waxaanan leeyahay janada fardowsa ilaahay haka waraabiyo, waxaan kaloo u dacaynayaa askartii kalee ku dhaawacantay hawlgalkii qaran ee kadhacay xabsiga dhexe hargeisa inuu ilaahay cafimaad degdeg ah siiyo,

cidanka xabsigana waxaan leeyahay haloo kuurgalo si wacana halooga baran dago ficilkan foosha xun cidii kadanbaysay waxaan idinkana idin leeyahay ilaahay ha idin fududeeyo hawshan balaaran ee aad qaranka u haysaan

anigoo ah musharaxa madaxwaynaha mustaqbalka waxaan hanbalyo aan laso kobi karin halkan uga dirayaa shacabka jamhuriyada somaliland oo ah shacabka shacabada, waxaanan leeyahay waxaa inoo balan ah fashilinta cadow kastoo dalkan isku daya inuu sumcadisa iyo karamadisa wax yeleeyo.