Maxaa laga baran karaa dawlada Madaxweyne siilaanyo? Qareen : Farhan Farah Jama

image

M/weyne siilaanyo wuxuu xilka lawareegay 8/2010, iyadoo waqtigaa ay dadku ku soo doorteen Cod aqlabiyada ,helayna Codadka dadka Somaliland Codkii ugu badnaa . Hadaba iyadoo arimuhu sidaa yihiin dadkuna si qiira leh ay codkooda ugu hureen Xisbiga kulmiye, iyagoo ka rajaynayay isbadal uu ku sameeyo qaabka maamul ee wadanka oo uu dadku markaa aad u saluugsanaa,M/weyne siilaanyana uu ka balan qaaday markii uu soo bandigay Barnaamijkii xisbigiisa kulmiye , wuxuuna ku Cadeeyay in uu wa ka qaban doono arimo kala
duwan o kala ah:

1.arimaha Bulshada

2.dhaqan dhaqaale

3.dhismaha jidadka isku xidha deegaanada kala duwan ee dalka.

4. Hagaajinta siyaadada arimaha dibada iyadoo laga duulayo in loo helo aqoosi j.S/land.

5.Ladgaalanka shaqo la’aanta dhalinta.

6.Adkaynta Nabad galyada qaranka.

Hadaba iyadoo duruufa adag oo ay reebeen maamuladii ka horeeyay ku xeersanaayeen ayuu M/weyne siilaanyo markii ugu horaysay soo dhisay dawlad tira yar tayana badan oo boqolkii boqol kayar dawladihii isaga ka horeeyay ,reer Awadal iyo salalna ka heleen xilal ka badan kuwii dawkadihii hore ay ka hayeen,ku waasoo ka tira badnaa.

Waxa kale oo xusid mudan In markii uu talada lawareegay M/weyne siilaanyo uu hagaajiyay hababka Maamul ee Maaliyada dalka ,isagoo markiiba kordhiyay Miisaniyada dalka 3Lab Mishaaraadka shaqaalahana u kordhayay 100% sanadkii u horeeyay,isagoo si weyn u abeeyay
Maamulka maaliyada qaranka,isagoo isku badal ku sameeyay maamulayaasha kastamyada dalka iyadoo taasina keentay in ay yaraato lacagihii ka lumi jiray qasnada dawlada.

Waxa kale oo uu bilaabay markii uu xafiiska lawareegay dhismaha jidadka isku xidha gobolada iyo dagmooyinka iyo degaanada waliba udhexeeya dagmooyinka, dacyatirna ku sameeyay jidadkii hore.iyadoo taasina sobobtay in lagaadhsiiyo dadka degaanada godoonkaa adeegyada bulshada ,iyadoo taasina sobobtay Magaaloobida degaana badan oo dalka ah. Waxa kale oo nasiib wanaaga in wax soosaarkii bulshadu iyo ganacsigii dhexdoodu uu aad u kordhay kadib markay heleen jidad ay mariyaan badeecadahooga.

Faafinta diinta islaamku waa wax ku waajiba qof walba oo muslima, Masuuliyad gaarihina waxay kasaarantahay dawladaha islaamkaa.
Hadaba dhisamaha jidadka ee dawlada M/weyne siilaanyo waxay gaadhsiisay dhulkii godoonka ahaa In Masaajiid iyo dugsiya quraan laga dhiso ,iyadoo taasina si weyn u caawisay faafinta diinta islaamka oo waajib weyni kasaarna dadka iyo dawladoodaba.

Dhanka siyaasada, M/weyne siilaanyo Markii uu xilka la wareegay waxa uu markiiba badalay siyaasadii arimaha dibada ee dalka, isagoo wadahadala labilaabay dawlada somaliya oo aan horay midaw ula lahayn ,iyadoo taasina soo jiidatay idhaha Caalamka kuna baraarujisay Caalamka himilada shacbi weynaha somaliland . Siyaasada Arimaha gudaha dawlada M/weyne siilaanyo waxay fidisay maamulka dawlada oo markii hore ku ekaa Casimadda hargeiza, gaadhsiisayna dhamaan degaanada kala duwan ee ay goboladu ka kooban yihiin,isagoo M/weynuhu arinkan u adeegsaday in uu isku badalo badhasaabadii gobolada ,iyadoo taasina keentay in dadkii goboladuna helaan Maamul u dhexeeya ,dadka goboladana ugu garsoora si siman,iyadoo taasina xoojisay nabad galyada Xaga
maskaxda Bulshada(the moral integrity of society).Oo dalka ka hirgashay markii u horeysay.

Waxa kale oo ay dawlada M/weyne siilaanyo xilka lawareetay iyadoo nabad galyo xumo iyo aanooyin qabiil,bulshada qayba kamida ay ka jirto, arimahaasoo dhana dawlada kulmiye waxay u dhamaysay si hufan oo sharciga waafaqsan. Waxa kale oo xusid mudan in dawlada kulmiye ay shaqaalaysay shaqaale tira badan intii ay xilka haysay, isagoo arinkaasina kuu cadaynaya in dawlada kulmiye ay dadaal ugu jirto sidii ay u fulin lahayd wixii ay balan qaaday. Guntii iyo gabagabadii ,maanta dalku wuxuu ku talaabsaday harwmar weyn ,dadkana waxan uga mahad celinaynaa sida wayn ee ay ugala qaybqaateen una garab istaageen dawlada.

waxqabadkaa tirada badan ee ilaahay usuurtagaliyay dawlada waxa uu u horseedayaa bulshada harawmar iyo barwaaqo, iyadoo cashir u noqon doonta dawlad walba oo kadanbaysa kulmiye dadkuna kula xisaabtami doono.

Madaxa siyaasada iyo Arimaha Bulshada Xisbiga Kulmiye ee gobaladda Awdal iyo Salal

Qareen Farhaan Farah Jama.
deniko2010@hotmail.com