Maxaad ka taqaan Aasaaskii iyo halgankii qadhaadhaa ee Ururkii s.n.m by-Lababaale

100

Asalamu calaykum wrw

maanta oo taariikhdu ahayd 6/4/2014 waxay tahay sanad guuradii 33aad ee kasoo wareegay

aasaaskii  ururkii snm  ee halganka qadhaadh usoo galay xoriyada iyo nabada ay ku naaloonayno maanta jamhuriyada somaliland 

 hadaba bal aan  waxoogaa ka baarano taariikhdii snm  iyo mujahidiintii ushahiiday

ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee dib uxoraynta j.s.land 

iyadoon qalin lagusoo koobi karin halgankii dheeraa ee s.n.m  hadana  intii aan ka qoray

waxaan jeclahay ama qalinka u qaatay inaan waxoogaa idinka soo gudbiyo

 

 s.n.m  aasaaskeedu waxa uu kasoo unkamay wadanka debediisa gaar ahaan wadanka sacuudi arabia

 iyo wadan u.k

dareenkaasi waxa uu ka dhashay dad kamid ahaa dad wadanka hore uga haajiray una cuntami wayday

siyaasadii  dawladii kacaanka ee siyaad bare  ayaa ahayd ibo furkii muuqday ee aasaaska s.nm

gudaha wadanka laftiisa dareenkaas dad la mid ah yaa jiray.

 

iyada oo uu jiray .. mujaahidkii  ugu horeeyay  ee dagaal jabhadaysan

wadanka gudihiisa kala hor yimaaada dawladii kaligii taliska ahayd ee siyaad bare

 haystayna jabhad yar oo ku dhufoo ka dhaqaaqa

waxa uu ahaa mujaahid ( maxamed cali faarax  =maxamed cali )

 

 

 

hadana  .raga aasaaska s.n.m horseedka u ahaa  waxaa ka mid ahaaa

1-sheekh yuusuf sh. madar         2-xasan aadan wadaadiid        3-axmed ismaaciil (duqsi)

4-prf. c.salaam yaasiin gabaxdiid    5-maxamed xaashi cilmi   6-axmed mohmed jaamac (dable)

7-axmed maxamed sayid  

ragaasi waxay ahaayeen ragii hilibta ka qaaday dareenkoodii siyaasadeed .geesinimo  ee mucaaradnimo

hubaysan waxa kale oo wadanka uk kaga biiray  oo ka mid ahaa

8-xasan jaamac  iyo    9-axmed jimcaale iyo c/raxman c/qaadir

 

gudoomiyihii ugu horeeyay  ee s.n.m  waxa loo doortay  mr. axmed jimcaale

 

kudhawaaqaas s.nm  wax wayn ayuu ka bedelay siyaasadii dalka . waxaana abuurmay xiisad iyo jawi tuhun

siyaasadeed iyo qaar qabali ah huwana oo kala gurasho iyo xeelado dahsoonba lahaa

 

dabayaaqadii sanadkii 1981 kii waxa xabsiyada loo tibaaxay dhalinyaradii ufo  waxa taas raacday gadoodkii

caanka ahaa ee ardayda  ee magaalada hargeysa  iyo burco

 kadibna waxalaxidhay rag badan oo siyaasiyiin iyo sibilba leh  oo ay kamid ahaayeen

 

  1- cumar carte qaalib      2-ismaaciil cali abokor        3-maxamed  sh. aadan

 

 

                          hadaba yay haayeen saraakiishii ugu horeeyay ee kagoosta  ciidamadi dawladii afwayne?

 

   waxakamid ahaa  1-maxamed cali faarax  (m/cali}      2-aadan sh ,maxamed   (aadan shiine}

 

3-maxamed kaahin    4-axmed dhagax   5-maxamed xaashi lixle  iyo  c/qaadir koosaar  oo kaga biiray

 wadanka qadar

 

              jabitaankii lajabiyay jeelka mandheera.

 

1983kii waxay s.n.m  jabiyeen jeelkii ugu waynaa  s/land  ee mandheera   kana sii daayeen maxaabiis ka badan

700 qof  islamarkaana soohdinta ka soo talaabay

ciidankaa s.n.m  waxaa watay  alayarxamee  mujaahid  maxamed cali

arintaasi waxay soo jeedisay  indhaha rayi caalamka .aqoonsi badana way ka heshay   siyaasad iyo malatariba

 

hadaba dawladii martida loo ahaa ee ethiopia  dib ayay markaa uga guratay hindisihii ahaa  s.n.m  haku biirto

jabhadii s.s.d.f   waana markii la sameeyay  isku xidhkii hawl galada guud  ee dhanka malatariga

 

labada jabhadood.  iyo wadaaga  idaacadii  radio  kulmis . oo markaas  kadib lamagac baxday  idaacada wareegta

 ee codkii midaysnaa  ee xoogaga mucaaradka  ee radio halgan.

 

                     shirwaynihii ugu horeeyay  ee s.n.m

 

march 1983  shirwayhii  ugu horeeyay ayaa lagu qabtay magaalada herer.  waxaana gudoomiye

loogu doortay  = muj.sh.yuusuf sh. madar    ku xigeenkiisana  waxa loo doortay

muj. xasan aadan wadaadiid  

iyo  muj.axmed ismaaciil duqsi  oo noqday  xooghayaha guud  ee s.nm  

sadexdaba ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo  — aamiin

 

          hawlgalkii  birjeex ee hargeysa

 

 12 arril 1983  waxa hawl gal dharaar  cad   lagu fyuliyay  jeelka  birjeex hargeya  lagalana soo baxay

 muj crnyl  c/laahi askar barkhad  hawlgalkaana waxa fuliyay  muj. ibraahim  kood buur iyo  sagaal mujaahid  oo laba ku shahiideen isla goobtii lagala baxayay muj.c/laahi askar

   ilahaya  ha u naxriisto == aamiin=

 

 

isla markaa s.n.m  waxay noqotay  xoog aan dhayalsi galin oo siyaasad  iyo xoog ciidameedba lakala baxday

oo gobolka ku soo biiray

kabacas degdega ahaa  ee s.n.m  waqtigaa waxaa la jaanqaaday  oon ka madhnayn  khilaafyo iyo

muran siyaasadeed   oo cidhibta ku hayay  kala aragti duwanaantii  kooxihii kala duwanaa ee s.n.m

isuguyimi  gaar ahaan hogaankii sare ee debeda kayimi  iyo dadkii gudaha kasoo baxay siiba saraakiishii  snm

 marmar waxa lagu masaalayayba   ( ishaystayaal  la haysto)

hase yeeshee mar walba burbur way ka nabad galaysay

 

        hogaankii sadexaad  ee s.n.m

 

nov.1983 aya  hogaankii sadexaad ee s.nm  xilka lagu warejiyay   magaalada (herer)

waxaa markaa hogaanka uqabtay saraakiishii ciidamada xag siyaasadeed iyo mid dagaal galineeedba

waxaana gudoomiye loo doortay  muj . cabdi qaadir koosaar .  kuxigeenkiisana

aadan sh. maxmed ( aadan shiine)

  ilaahay naxariistii jano haka warabiyo  =amiin=

 

 xooghayaha  guudna  muj . maxamed kaahin  oo iminka nool

 

      saraakiishii   goobjooga ahaa maalintii ciidamadu xukunka la wareegeen s.n.m

 

intooda dhimatay ilaahay hauwada naxariisteee waxakamid ahaa

 

   1- c/qaadir koosaar  iyo  2-aadan shiine  oo ahaa hogaanka xiligaas

3- xasan saleebaan wayne   oo ahaa sarkaalikii ugu horeeyay ee ku shahiida hawlgaladii  iyo dagaalkii hubaysnaa  ee lagula jiray   dawladii  afwayne 

lasoco  Qaybta 2 aaad
walahu waliyu tawfiiq
Qoraa= Ahmed suleiman -Lababaale