Odoyaasha madasha ee madaxtooyada booqday ma liiska isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo soo wado ayay iska dhex baadhayeen?!

MAQAAL

Siyaasada somalidu kuma dhisna wax mabda ah inta badan waxay ku aroortaa awku kacsi iyo dano gaara waxaad arkaysaa qof shalay maamul uu waslad xaaraana ka dhigay beri kamaalin hadana xubin firfircoon ka ah!, 

waxay dad badani liqi waayeen odoyaashii sida xun u dhaliilsanaa hogaaminta madaxweyne siilaanyo oo marqudha madaxtooyada afka iskaga shubay! waxay dadka u sheegeen waxaanu madaxweynaha u gudbinay waraaq ay siguud uga warameen oo ay ka cudur daarteen inay sifiican u faah faahiyaan waxa ku qoraa, waxay keliya dadka u sheegeen inay maanta tahay 6 da bisha April oo Somaliland ugu astaysan inay tahay maalintii lagu dhawaaqay ururkii SNM, markay sidaas tahay waxaanu madaxweynaha ugu tagnay inaanu u gudbino waraaq ka hadlaysa wixii loo soo dagaalamay ee ahaa cadaalada iyo sinaan in ay weli umadu u baahan tahay! waa siday hadalka u dhigeen odoyaasha madasha la baxay,

siyaasiyiintan kasoo jeeda ururkii SNM oo banadkoodu saaxiib dhow ay ahaan jireen madaxweyne siilaanyo intii aanay ku kala irdhoobin siyaasada waxay hore madaxweynaha ugu qoreen oo u gudbiyeen qoraal ka koobnaa 16 qodob oo ay ku xardheen dhaliilaha xukuumada iyo waxay ka gaabisay oo ay yidhaahdeen waa in wax laga qabtaa, taas markuu madaxweyne siilaanyo dhegaha ka furaystay waxay ku dhawaaqeen gole muran dhaliyay sharcinimadiisa oo loo magac bixiyay golaha wada tashiga qaranka kaas oo ay xukuumadu ka booday una aragtay mid baal marsan shuruucda dalka iyo dastuurka,

muran badan kadib iyo hogaanka dhaqanka oo ka ergeeyay labada dhinac waxay siyaasiyiintani magacii ula wareegeen madasha wadatashiga qaranka halkaas oo ay doorkooda siyaasdeed ka afuufayeen in mudo ah, waxaa fikirkan la qaatay xisbiyada mucaaridka ah oo ay ku heshiiyeen in dalka laga qaban qaabiyo shirweyne qaran oo lagu saxaayo waxa Somaliland iyo xukuumad ahaanba inaga khaladan, 

shirweynihii qaran ee ay ku dhawaaqeena waxa uu isna keenay muran siyaasadeed oo ka dhex curta odoyaasha madasha labaxay iyo xisbiyada mucaaridka ah oo isku dhinac ah iyo xukuumada siilaanyo oo dhinac ah waxa lagu murmay shirweyne qaran yaa xaq u leh oo qaban kara ma xukuumada mise xisbiyada mucaaridka ah muran badan iyo faro isku fiiqfiiq waxay ku soo ururtay in shirweynahaas lagu wareejiyo akadeemiyada nabada loona daayo ajandaha shirka iyo mudayntiisa iyo madasha uu ka qabsoomayo,

ilaa maanta shirkaasi waxa uu ku maqan yahay oo ku basbeelay akadeemiyadii lagu wareejiyay! iyadaana laga sugayaa sabab uu dib ugu dhacayna lama cadayn waxaana ka muuqata in shirkii ay xukuumadu fashilisay oo sidaas uu fadhiid ku noqday,

hadaba odoyaashii madasha ee shirkan ku dhawaaqiisa iyo danaytiisaba lahaa maxaa la gudboonaa mar hadii shirkoodii masraxa siyaasada u ahaa la fashiliyay ma inay dhako kale keenaan mise inay madaxtooyada afka uga galaan? aniga waxay iigu muuqataa inay yihiin nin daad qaaday xunbo cuskay! wadadaas ay mareena tahay mid isdhiibid ah waayo madaxweynihii hore uga dhageeysan waayay 16 qodob ee xulka ahaa ee ay hore ugu taliyeen ayaa maanta ka hoos qaadaya waraaq naflo caarid ah,

waxa laydhi nin baa xanuuka qaaxada qabay markaasaa mid aan ku ogayn xanuuka ayay cuno wadaageen iyada oo cunadii badhtanka kaga jiro ayuu dhowrjeer qufacay kii bukay nin kii warmo qabtada ahaa ayaa is yidhi waar malaa waa saxaday waxaanu ku yidhi shifo shifo dhowrjeer mid kale oo la fahiyay ragan oo xanuunka ku og inuu qaaxo qabo ayaa kii lahaa shiro ugu jawaabay waar iska daa lagala quusaye! ( ujeedadiisu waxay daaran tahay nin kani muu saxane waa bukaa) ,

hadaba odoyaashu waxay nin kan warmo qabtada ah kaga duwan yihiin way ogaayeen inaanu madaxweyne siilaanyo siyaasadiisu xasan ee ay bukto oo ay dawo u baahan tahay oo aanu dheg jalaq u siinayn haday wax kasta akhriyaan ee waxa afka uga geshay ha lays weydiiyo ma siyaasada ayaa ka khaldantay odoyaasha oo way darjiidheen mise isku shaandhaynta la hadal hayo ayaa damac ka galay oo ay iska dhex baadhayeen liiska?!

NB; xubnahan kamay dhex muuqan mujaahid xasan ciise jaamac iyo ibraahim dhega weyne waxaanan u qaatay inaanay ku qancin inay madaxweyne siilaanyo soo hor fadhiistaan isaga oo aan fulin shuruudihii hore ay u soo jeediyeen ee uu dhegaha ka furaystay. 

Aadan Axmed Nuur

khuurshe11@hotmail.com