Ogeysiis Bristol,UK: Xaflada 18 May ee Bristol oo Ka Dhici Doonta Xarunta Bristol City Hall

unnamed (1)

Waxa dhamaan jaaliyada reer Somaliland ee Bristol degan lagu wargelinaya in xaflada dabaaldega sanad guurada 23 ee markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda lagu qaban doono Maalinta Jimacaha 16 May, 2014, Xarunta Bristol city Hall ka ee magaalada Bristol, UK. Waxa xafladu ay bilaabmi doontaa 12:00 duhurnimo, iyada xafladu qeybteeda hore ay ka dhici doonto barxada hore ee councilka. halka qeybta labaadna lagu qaban doono guddaha Bristol city Hall ka.

Haddba, Waxa lagu wargelinayaa Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol degan in ay si weyn ugu soo baxaan maalintaas oo la isugu yimaado xarunta Bristol city hallka iyada oo ay ka soo qeyb geli doonan Mayorka Bristol iyo dhamaan xildhibaanada golaha deganka Bristol iyo Madax ka socota Xukumada Somaliland.

 

Adresska Goobta Xaflada :

 

Bristol city Hall

College Green,

BS1 5TR  

Bristol, Uk.

 

Wixii information ahna kala xidhiidh :

 

1. Saleeban Sanyare – 07534228038

2. Omer Mahmed Jama -07958205273

3. Saeed Abdullahi Dualeh – 07985259142

4. Muna Abdi Gamuute – 07850263353

 

NB: Salaada jimacaha ayaa iyana lagu tukan doonaa goob loo habeeyey oo ku taal isla xarunta Councilka.

 

Allah Mahad Leh

unnamed