Sheekh Siciid Maxmed Faarax Oo Ummadda Ka Waaniyey Wararka Aan Sugneyn

 

(SM-Hargeysa) – Sheekh Siciid Maxamed Faarax, oo ka mid ah culimada reer Somaliland, ayaa khudbaddii Jimcaha ee uu maanta ka jeediyay Masaajidka Cali Mataan ee Magaaada Hargeysa, waxa uu ku soo qaatay dhibaatada ay if iyo aakhiroba leeyihiin wararka ee sugnayn ee dadwaynuhu isla dhex maraan isla-markaana kaga mashquulaan cibaadada Alle (SW) oo ah wixii la inoo Abuuray.

Sheekh Siciid Maxamed Faarax, oo khudbadaha Jimcaha ku soo qaata mowduucyo kala gedisan oo khsueeya nolosha bulshada, si intii Alle waafajiyaa ugu waano qaadato, ayaa khudbaddiisa maanta si weyn ugaga hadlay wararka aan sugayn oo ku badan bulshadeenna, waxaanu sheegay in loo baahan in dadku ka fogaadaan wararkaasi, maadaama Alle (SW) jecelahay kuwo runta sheega.

Sheekh Siciid Maxamed Faarax, oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “War-baa suuqa la soo galinayaa, warkaasi oo aan sugeyn, oo aan lahayn sal, ayaa dadwaynuhu isla dhex maraan oo suuqii, ardaydii iyo Iskuulkiiba dhex carara, wararka aan sugnayn waa masiibo weyn, waayo waxay arrintaasi ka hor imanaysaa abuuriddii ILAAHAY uu ummadda u abuuray, oo waxay ka mashquulinaysaa waxyaabihii Alle uu u abuurey dadka oo ah Ciibadada ILAAHAY (SW), waxay ka leexinaynaa walaalnimada iyo kalgaceylka uu ILAAHAY ku abuuray ummaddiisa”

Sheekh Siciid Maxamed Faarax, waxa kale oo uu sheegay “ILAAHAYNA wuxuu nebigeenna Muxamed (CS) u soo diray inuu ka shaqeeyo Islaamnimada iyo Kalgaceylka ummadda, sidaa daraadeed ayaa diinta Islaamkuna xaaraantinimaysay beenta oo ay xanta iyo wararka la kala qaad-qaadayo inoo diidday, oo war aan sugeyn in la isla dhex cararo inoo diidday”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Walaalayaal, wararka aan sugayn mar walba male xun-bay had iyo jeer xambaarsan yihiin, waxayna sal u tahay in dadka Muslimka ah ee meel ku wada nool uu male xun dhexdooda ahaado….”

Sheekhu, waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada aaladaha Facebook iyo Mareegaha Wararku ku hayaan dadka aan sida fiican uga faa’ideysan “Imika waxaad arkaysaa Facebook iyo Website-yo badan oo qabyaalad uun lagaga hadlayo, ummaddiina waxay noqonaysaa ummad ku dagaalamaysa aaladdahaa loogu talo-galay in laga faa’ideysto” ayuu yidhi, isaga oo ku taliyey in wanaagga laga shaqeeyo isla-markaana laga fogaado wararka aan sugeyn ee afka la sheegayo ama Internet-ka la galinayo.