Sheffield: Magaaladii isbarar taagtay Halgamaagii Nelson Mandela oo Maantana isu Taagtay inay Taageerto Shacbiga Reer Somaliland

Geesinimada, Argati dheerida, Damqashada,Damiir-wanaaga iyo is Garab taagga Xaqu waa mid ay caan ku yihiin dadweynaha ku nool magaalada Sheffield iyo hogaamiyayaasheeda siyaasadeed ee magaaladaas ka dhasha oo had iyo goor leh aragti ka durugsan oo ka qoto dheer siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta ku dhaqan magaalooyinka kale ee UK.
kaysar

Riix halkan 

Sanadkii 1981kii ayay ahayd markii Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee magaalada Sheffield horena u ahaa Wasiirkii hore arrimaha gudaha UK Mudane David Blunkett uu Martiqaad u diray Hogaamiyihii dhawaan geeriyooday ee Nelson Mandela xilli uu xabsiga ku jiray, waxaana uu ku martiqaaday inuu booqasho ku yimaado magaalada Sheffield, run ahaan martiqaadkaas ay reer Shaffeild u direen Nelson Mandela oo Xabsiga ku jiray waxa uu ka cadhaysiiyay dawlado badan oo UK iyo Koonfur Afrika ay ka mid ahaayeen, sababtoo ah xilgaas waxay dawladahaasi Nelson Mandela ay u arkayeen inuu ahaa nin argagixiso ah oo duulimaad ku ah Nabada, waxa kale oo isla sanadkii 1983kii ay golaha deegaanka ee magaalada Sheffield ay martiqaad labaad u direen Nelson Mandela oo wali xabsiga ku jira si uu usoo booqdo magaalada Sheffield.

Hadana sanadkii 1988kii ayaa golaha deegaanka ee magaalada Shaffeild ay xafiiskooda ugu weyn ee xildhibaanada golaha deegaanka ee Sheffield ay ku shiraan ay ugu magac dareen Nelson Mandela, waxaa yaab lahaa oo in talaabada ay reer shaffeill ku dhaqaaqeen ay ka cadhaysiisay hogaamiyihii wakhtigaas ee Xisbiga Conservative ka ee UK Mr. David Heslop oo talaabada ay qaadeen reer Shaffeild ku tilmaamay “stupid” dhinaca kale ardayda Jaamacada Sheffield ee Hallam University ayaa dhisme weyn oo ka mid ah jaamacada ugu magac daray Nelson Mandela Building.

Hadaba hadii ay dad badan oo dunida ku nool iyo dawlado badan oo caalamka ahi ay la yaabanaayeen talaabooyinka ay reer Sheffield ku taageerayeen Geesigii madoobaa ee Nelson Mandela, waxa ay rumowday riyadii reer Sheffield markii uu Nelson Mandela ka soo baxay xabsiga ee uu soo booqday magaaladaas ee la siiyay billada u sarreysa ee ay golaha deegaanku bixiyaan ee loo yaqaan Freedom of Sheffield, waxaana taasi markiiba iyana ku dayday sideed magaalo oo dhamaantood Mandela siiyay billad la mid ah ta ay reer Sheffield siiyeen, waxaana sannad ka dib Nelson Mandela loo doortay inuu noqdo Madaxweynihii Dalka Koonfur Afrika. Waxaaba taariikhdu ay ka marag kacday in Nelson Mandela uu noqday hogaamiyihii loogu jeclaa, loogu taageerada badnaa ee ugu caansanaa dunida qarniyadan u danbeeyay waana ta keentay in aaskiisa ay ka qayb galaan hogaamiyayaashii ugu badnaa uguna miisaanka cuslaa ee ka qayb gala Aas nin Madaxweyne ahaan jiray loo sameeyo.

Shacbiga Sabirka iyo Dedaalka badan ee reer Somaliland oo muddo ku dhow 23 sanadood baadi goobayay saaxiibo miisaan leh oo taageera qadiyadooda ayaa maanta waxay u dabaal degayaan inay hanteen quluubtii dadweynaha geesiyaasha ah ee reer Sheffield oo golahooda deegaanku ay maalintii Arbacada ee ay taariikhdu ahayd 2dii April 2014 ay cod buuxa ku ansixiyeen in somaliland ay noqoto Qaran Madaxbanaan oo aayihiisa inuu ka tashado xaq u leh.

Run ahaan dad badan iyo dawlado badan ayay la yaab ku noqotay talaabada ay qaadeen golaha deegaanka ee magaalada Sheffield, dadka qaar ayaa ku tilmaamay wax aan macno lahayn, qaar kale waxay su’aalo ka keeneen waxa arrintani ay Somaliland u tarayso, halka qaarna ku tilmaameen talaabo hore loo qaaday.

Sida Xaqiiqdu tahay sidan si la mid ah ayaa dad badani ula yaabanaayeen reer Sheffield waagii ay taageerada isla barbar taageen Nelson Mandela iyaga oo u arkayay macno la’aan, sidoo kalana arrin riyo ah u arkayay in Nelson Mandela oo Xabsi ku jira ay reer Sheffield wax tari karaan, waxaana taariikhdu ay ka marag kacday in taageeradii ay reer Sheffield u fidiyeen ay wax weyn u tartay Nelson Mandela, halgankiisiina ka dhigtay mid guulaysta oo uu kaga adkaaday Xukuumadii Cunsuriga ahayd ee dalka Koonfur Afrika ka talin jirtay, waxaana Dunida oo dhami ay garawsatay oo ay aqbashay kuna dayatay go’ankii ay golaha deegaanka Sheffield ku taageerayeen Nelson Mandela.

Maanta oo ay Shacbiga geesiyaasha ah ee Reer Sheffield dhexda u xidheen inay taageeraan Xaqa ay reer Somaliland u leeyhiin inay helaan Aqoonsi buuxa, ayaa waxa uu door weyn ka ciyaari doonaa oo uu soo dedejin doonaa Aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunida, waxaana durba bilowday Magaalooyin iyo waliba dawlado ka fikiraya sidii ay Somaliland u Aqoonsan lahaayeen mustaqbalka dhow.

Guntii iyo Gebogabadii waxaan usoo jeedinayaa Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay, Mucaarid iyo Muxaafid, Rag iyo Dumar, Yar iyo Weyn in laga wada qayb qaato sidii dalkeena hooyo aynu Aqoonsi ugu heli lahayn, ugana qayb qaadan lahayn Nabadgelyadiisa iyo Horumarkiisa.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

kaysar@diplomats.com