shirkada IHG qaybteeda UK iyo Ireland oo Maxamed Aadan oo reer Somaliland ah u aqoonsatay Shakhsiga sanadka ugu wacan..

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo habeenkii Jimcaha ahaa ka dhacday duleedka magaalada London, ee cariga Ingiriska ayaa abaal marin sare lagu gudoonsiiyay wiil reer Somaliland ah. Abaal marintan oo ay bixisay Shirkada IHG oo ah shirkad ay u shaqeeyaan inka badan 36,000 oo qof isla markaana ku dhowaad 4,600 oo Hotelo 5 star ah ku leh in ka badan 100 wadan ayaa waxa Mohamed Adan oo lagu naanayso Sir Sammo loo aqonsaday inuu yahay shaqaalihii ugu wanaagsanaa sanadkii 2013 ka ee UK iyo Ireland oo dhan ( IHG, UK and Ireland Employee of the year 2013).

Mohamed Adan oo la tartamay in ka badan 300 oo qof oo laga soo sharaxay dhamaan Hotelada ay shirkadani ku leeday Uk iyo Ireland ayaa waxa loo aqonsaday shakhsigii sanadkan ugu wacnaa shirkada IHG qaybteeda UK iyo Ireland.

Sir Sammo oo ka shaqeeya Hotel ka mida Hotelada la isku yidhaah Holiday Inn, ee shirkada IHG ayaa wuxu qaabilsanyay qaybta Customer Service ka ee hotelka Holiday Inn Heathrow M4 Jct4.

Arinta dad badan ka yaabisay ayaa ah in Sammo Omar oo ku sugan UK inka yar 2 labo sano uu mudadaa yar kusoo hooyay guushaa dhaxal galkaa. Somalida oo inta badan lagu xanto inay yihiin dad aan shaqaysan ayaa aad ugu diirsaday guusha wiilkan da’da yarli uu soo hooyay.

1 2 3 4