Ururka Is bahaysiga Dhalinyarada Gobolka Saaxil ayaa Cabaareeyey Xadhiga Xad-gudubka ah ee Xukuumadda Siilaanyo Kula Kacday Wargeyska Haatuf.

 

CAMBAREYN

 

 

 

Berbera_ kulan balaadhan oo ay maanta isu yimaadeen ururka dhalinyarada gobolka saaxil ee barka magacooda la soo gaabiyo la yidhaadho (SYA)-SAAXIL YOUTH ALLIANCE,ururka oo mudo ka dooday arinta xaasaasiga ah ee ay xukuumadda siilaanyo ku cabudhinayso saxaaafadda xorta ah ayaa waxay noqotay mid damaqday dhalinyaradda gobolka saaxil.

 

Xukuumada siilaanyo oo cadaysatay cabudhinta,caga-jugleynta saxaafadda xorta ah ayaa waxay maanta ku darsatay inay iska xarito xarumihii saxaafadda madaxa banaan sida wargeyska HAATUF oo shalay ciidamo la wareegeen,arintaasi oo ka hor imanaysa shuruucda dalka u degsan iyo daganaashaha dalka oo ay xukuumadii dadku u dhiibteen xukunka ayaa waxay bilowday inay nabad galyadii wax u dhinto waayo hadii xoriyadda la aaso waxa dhacaysa in dadku is laayo taasina waa sida ay rabto xukuumada siilaanyo.

 

 

 

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda siilaanyo albaabada isu xidhay wargeyskii HUBAAL oo ilaa hada xidhay taasi oo boog iyo diciifnimo ku ah xukuumadda siilaanyo inay cabudhiso saxaaafadda xorta ah.

 

 

 

Ugu danbeytii waxaanu ugu baaqayna in waxgaradka umadu,xisbiyadda siyaasadu iyo guud ahaanba aqoon ayahanka dalku shir isu yimaadaan ay kaga tashanayaa xukuumada siilaanyo ee doonaysa inay dalka u horseedo burbur.

 

 

 

Gudoomiyaha SYA

 

Xasan Maxamed C/raxmaan

 

Berbera/Somalilland