”Waa sharaf dhac iyo meelka dhac weyn in magacayga la isticmaalo mareegaha Facebuuga aniga oo aan waxba ka ogeyn” Wariye Cabdisalaam Ibraahim Hereri”

download

Wariye Cabdisalaam Ibraahim Hereri oo fariin soo gaadhsiiyey mareegaha Soomaalida waxa uu sheegay in shakhsiyaad nacaybnimo iyo sharaf-dhac wadaa ay magaciisa isticmaalayaan barta facebuuga oo dhawr qof ah.

Waxa dhawaan mareegta facebooga lasoo dhigay dad fara badan oo magaca Wariye Cabdisalaam hereri isticmaalaya soona dhigaya barta facebuuga warar aanu wariyuhu shaqo ku lahayn oo ka baxsan anshaxa iyo xuquuqda shakhsiga.Waxa  Wariye Cabdisalaam Hereri cadeynayaa aadna u canbaareynayaa in ay ka waantoobaan waxyaalahaas oo kale magaciisana ka saaraan oo aanay isticmaalin ,hadii kale uu sharciga la tiigsan doono.

Marlabaad waxa Wariye Cabdisalaam Ibraahim Hereri ka raali galinayaa dhamaan shacabka Soomaalida iyo dadka wararkiisa iyo marmaamijyadiisa jecel ee la socda in aanu shaqo ku lahayn dadkaa  magaciisa isticmaalaya iyagoo  iska dhigaaya Wariye Cabdisalaam Hereri.

Waxa uu kula talinayaa dadkaa magaciisa isticmaalaya inay wakhtigooda ka faa’idestaan oo wax kale ku qabsadaan,iskana ilaaliyaan in ay waxaasoo kale soo dhigaan barta facebuuga.Allaa Mahadleh.

Wariye

Cabdisalaam Ibraahim Hereri

Hargaysa